Magacyada 11 ka mid ah liiska golaha wasiirada cusub ee C/weli oo la helay

Muqdisho (Caasimada Online) – Magacyada qaar ka mid ah shaqsiyaadka lagu wado inay ka mid noqdaan golaha wasiirada cusub, ayaa soo baxay, ayada oo weli ay jiraan khilaafyo xooggan oo ka taagan golaha wasiirada.

Xubnaha la helay magacyadooda oo horudhac ah waa 12 wasiir oo loo badinayo inay ka mid noqon doonaan 25-ka wasiir ee golaha wasiirada cusub.

Liiskaan iyo Magacyadda nasoo gaaray ma ahan kuwo rasmi ah oo Boqolkiiba Boqol la xaqiijiyay, waase Magacyo Hordhac ahaan noosoo gaaray oo ay dhici karto in wax laga badalo ama wax lagu daro.

  • Wasiirka Arimaha Dibadda: Yusuf Ibraahim Kaahin
  • Wasiirka Lacagta iyo Deeqaha Caalamiga ahna Raisal Wasaare xigeen: Xuseen Cabdi Xalane
  • Wasiirka Waxbarashada: Maxamed Nuur Gacal (DJ)
  • Wasiirka Caafimaadka Dr. Cali Fiqi
  • Wasiirka Gaashaandhiga: Col. Cabdiraxman Shiikh Ciise
  • Wasiirka Qorsheynta: Cabdulahi Goodax Barre
  • Wasiirka Aminga Qaranka: Cabdikarim Xuseen Guuleed (DJ)
  • Wasiirka Maaliyadda: Maxamuud Xasan Suleyman
  • Wasiirka Dastuurka, Cadaaladda iyo Dib-u-heshiisiinta: Farax Sh. Cabdulqadir (DJ)
  • Wasiirka Haweenka: Khadiija Maxamed Diiriye
  • Wasiirka Howlaha Guud: Nadiifo Maxamed Cismaan

Qaabka loo qeyninayo Wasiirada oo ku saleysan 4.5 iyo tirada Wasiirada oo kooban ayaa keentay in beel walba iyo jufo walba ay dhexdeeda iska qilaafaan Qofka ka mid noqonaya wasiirada cusub.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com