Xog: Yaa ka dambeeyey guul-darradii Faroole ka raacday doorashadii P/L?

Nairobi (Caasimada Online) Ilo xog ogaal ah oo la hadlay Caasimada Online ayaa muujiyay in doorashadii madaxweynaha ee shaley ka dhacday magaalada Garoowe, oo uu guuleestay Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, in laga shaqeeyay oo meelo badan laga soo abaabulay.

Yaa ka shaqeeyay in uu meesha ka baxo Faroole?

Sida ay lee yihiin ilaha warkan aaan ka soo xiganahay, Faroole wuxuu caqabad weyn ku ahaa dowladda Soomaaliya, waxaana dhowr jeer uu dhaliil iyo eedeen u jeediyay madaxda dowladda fedaraalka, taasoo aakhirkii keentay in uu xariga u jaro sannadkii la soo dhaafay xiriirka uu lahaa dowladda.

Dowladda Soomaaliya, waxa ay taas keentay in ay ku soo furmaan caqabado badan, waxaana uu Faroole xiriir la sameestay maamulka Axmed Madoobe oo madaxweyne u ah maamulka KMG ah ee Juba.

Dowladda waxa caqabad ku ahaa maamulka Axmed Madoobe, waxaana markii ay aqoonsi siiyeen maadama waqti badan uu goobtaas kaga lumay.

Dowladda ayaa la sheegay inay si xoog badan u taageerat Cabdi Weli Gaas, inkasta oo aysan jaceyl ka ahayn, balse u muuqatay mid aan isku daneysano ah, maadaama labada dhinacba ay ka sinnaayeen in Faroole meesha uu ka baxo.

Waxaa sidoo kale xogta ay sheegeysaa in DF ay si hoose dhaqaale ugu bixisay in Faroole la siibo.

Waxaa kaloo warar hoose oo laga helay Villa Somalia ay muujinayaan in doorashada Puntland ay sabab u ahayd in dib loo dhigo golaha wasiiradda cusun ee xukuumada Soomaaliya.

Markii lagu dhawaaqay natiijada doorashadda Puntland, waxaa durba hambalyo u diray madaxweynaha cusub Xasan Sheekh iyo ra’iisal wasaarihiisa, waxaana ay ku tilmaameen mid horrumar cusub u horseedi doona deegannada Puntland.

Saxaafadda oo dhib weyn ku qabtay maamulkii horre.

Waxaa kaloo soo dhaweeyay isbadalka ka dhashay Puntland, bahda saxaafadda, kuwaasoo dhibaatooyin waaweyn kala kulmay shanti sanno ee la soo dhaafay maamulkii Faroole.

Maamulka faroole ayaa caburin, caga jugleen iyo xarig isugu daray wariyaasha ka howgala deegannada Puntland, taasna waxa ay keentay wariyaal badan in ay ka qaxaan deegannada Puntland.

Haddaba inta badan warbaahinta madaxa banaan ee ka howgasha Puntland ayaa soo dhaweeyay madaxweynaha cusub, waxaana ay sheegeen in ay ka bixi doonaan caburintii lagu hayay.

Faroole wuxuu sameestay Idaacad iyo Talafishan gaar ah u maamulkiisa, waxaana warbaahinta ka howlgasha Puntland uu saaray caddaadis xooggan.

QM yeey taageersaneed?

Qaramada Midoobay ayaa durba soo dhaweysay isbadalka ka dhashay Puntland, Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Kay ayaa u hambalyeeyay madaxweynaha la doortay ee Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Kay ayaa u riyaaqay sida nabadda leh ee awoodd loola kala wareegay iyo kaalinta wax ku oolka ah ee madaxweynaha xilka ka degaya Cabdiraxmaan Faroole uu ku leeyahay horumarka la sameeyay.

QM oo eegeysa dhibka uu Faroole ku hayay dowladda Somalia iyo jaritaanka xiriirkeeda oo lagu daray caqabaddii uu ku noqday xoriyadda hadalka, ayaa lagu warramay inay si hoose u taageerto in Faroole laga adkaado

Isku soo duub ra’yi aruurin la sameeyay waxa ay muujineysaa 90% in dadka reer Puntland ay ka soo horjeedeen madaxweyne Faroole.

 

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Caasimada@live.com