Tarsan oo shaaciyey qorshe magacyo beddelis ah oo saameynaya Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) Guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa ku baaqay in la badalo magacyada qaar ka mid wadooyinka caanka ah ee Muqdisho ku yaalla.

Tarsan oo ka hadlaayay xafladda loo qabtay Iskaashitada Soomaaliyeed, ayaa tilmaamay in ay haboontahay siddii magacyada looga badali lahaa wadooyinka Muqdisho.

Wuxuu soo jeediyay in loo bixiyo wadooyinkaas caasimada Turkiga ee Istanbul iyo magacyo kale.

“Waxaad maqleysaa wadadda Soddonka,Wadnaha iyo Vila Liinin, maxay macno ah oo ay lee yihiin, maxay xambaarsan yihiin, waxaan u baahanahay in macno u yeelno wadooyinka caasimada ku yaalla” ayuu yiri Tarsan.

Tarsan ayaa soo jeediyay maadama la mideeyay caasimadaha Muqdisho iyo Istnbul in muhiim tahay  waddooyinka Muqdisho loo bixiyo Via Istanbul, wadadda Iskaashatada iyo magacyo kale oo qurux badan sidda uu yiri.

Dowladda Turkiga ayaa noqotay dowladii ugu horreysay ee mashruucyo lagu horrumarinaayo Muqdisho ka billowday, waxaa ay dib u dayactirtay qaar ka mid ah waddooyinka ugu muhiimsan Muqdisho sida Makah Al-Mukaramah.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com