Shirka BAYDHABA oo lagu kala kacay

Muqdisho (Caasimada Online) War hadda na soo gaaray ayaa sheegaya in shirkii ka socday magaalada Baydhabo ee looga hadlaayay maamul u sameenta lix gobal in lagu kala kacay maanta oo Khamiis ah.

Malaakh Sanweyne Maxamed Cali oo ka mid ah odayaasha ka qaybgalaya shirka Baydhabo ayaa u sheegay Idaacadda Kulmiye ee magaalada Muqdisho in maanta ciidamada AMISOM ay is-hortaageen in ka badan 40 ergo oo ahaa kuwii ka qaybgalayay shirka maamul u sameenta Koonfur Galbeed ee ka socda xarunta ADC-da.

Wuxuu tilmaamay shirka Baydhabo in uu noqday mid fowdo ah, maadama la magacaabay guddi loo bixiyay Stary Comity, wuxuuna ku tilmaamay in loo magacaabay kooxo qas-wadayaal ah sida uu yiri.

“Ciidanka AMISOM ayaa is-hortaag nagu sameeyay, waxaan gaareynaa 43-oo kamid ahaa odayaasha beelaha Baay iyo Bakool ee shirka ku sugnaa, laakin AMISOM waxa ay lee yihiin kuwa gudaha ku jira waan soo saareynaa, meesha masiibo ayaa ka soo socota, waxaan qaban doonaa shir jaraa’id oo aan uga hadleyno in aan raali ka ahayn shirka qaabka uu socd” ayuu yiri Malaakh Sanweyne.

Wuxuu xusay in shirka Baydhabo uu yahay mid aaney dowladda ka warqabin, maadama ay wadaan koox fitnayaal ah, sidaas darteed ma yeeleyno mana oggolaan doono wax yaabaha ka socda Baydhabo” ayuu yiri.

Ugu dambeyn waxa uu ku celceliyay in shir aaney dowladda ka warqabin oo madaxweynaha uusan furin in uusan ka dhici karin magaalada Baydhabo.

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in khilaaf xooggan uu ka dhashay shirka ka socda magaalada Baydhabo, waxaana khilaafkaas uu la xiriiraa sida laga yeelaayo maamulkaas, waxaa qaar ka mid ah odayaasha iyo siyaasiyiinta ay lee yihiin waxaan u baahanahay waa in shirka uu ku koobnaadaa Baay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose, kuwa kale ayaa iyagan ku dooddaya in maamulka cusub loo sameeyo Baay, Bakool, Gedo, Shabeellaha Hoose, Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com