Xasan oo shaaciyey sababaha keenay dib u dhaca magacaabista wasiirada

Muqdisho (Caasimada Online) Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii ugu horreeyay ka hadlay sababaha keenay in dib u dhac uu ku yimaado magacaabista golaha wasiiradda xukuumadda Soomaaliya oo maalmahan la dhowrayay.

Madaxweynaha oo la hadlaayay koox wariyaal oo ku sugnaa xarunta Vila Somalia ayaa sheegay in ra’iisal wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed uu wado wadatashiyo iyo kulamo aan kala go’ lahayn kuwaasoo uu ku doonayo in dadka uu kala tashado xukuumadda uu soo wado.

Xasan Sheekh ayaa xusay in ra’iisal wasaaraha uu qabtay shaqo adag, taasoo keentay in habeeno badan uu shaqeeyo waqtiyo badan sida uu yiri.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka codsaday baarlamaanka in ay dul qaad muujiyaan maadama la doonayo in la soo dhiso xukuumad tayo leh.

“Baarlamaanka waxa ay maalmahan u dhag taagayaan xukuumada cusubka, balse ra’iisal wasaaraha Ra’iisal wasaaraha shaqo aad u adag ayuu qabtay isagoo kulamo iyo fadhiyo la qaatay dadweynaha oo dhan bal sii loogala tashado waxyaabaha ay doonayaan iyo wax yaabaha ay neceb yihiin, waxaan oghay in uu habeeno badan uu dhafray, Baarlamaanka dulqaadkiisa waa uu ku mahadsan yahay, waxaana mar dhow aan filayaa in ay ka soo dhammaan doonto wadatashiyada oo uu ku dhawaaqi doono xukuumadiisa” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Dhinaca kale, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa wax lagu farxo ku tilmaamay doorashadii shaley ka dhacday Puntland, wuxuuna si gaar ah u amaanay baarlamaanka cusub ee Puntland, isagoona intaas ku daray in ay u duceenayaan isla markaana ay taageero diyaar la yihiin madaxweynaha cusub sida uu yiri.

Ra’iisal wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa xafiiska jooga muddo 18-cisho tan iyo markii xilkaas loo magacaabay 26-kii bishii December.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com