DEG DEG: Cabdi Weli Gaas iyo Faroole oo kulan xasaasi ah ku leh Garoowe

Garoowe (Caasimada Online) War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in magaalada Garoowe in uu ka socdo kulan albaabada uu u xiran yahay oo ay lee yihiin madaxweynaha cusub ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo madaxweynihii horre Cabdiraxmaan Maxamed Muuse.

Kulanka waxaa kaloo kuwehlinaya ergooyin ka socda beesha caalamka, waxaana la sheegay in looga hadlaayo siddii looga arrinsanaa wax yaabaha xigga doorashada madaxweynaha iyo sidda horrey loogu sii wadi karo horrumarka ay ku tallaabsatay Puntland.

Ma jirto wax faah-faahin kale oo laga hayo kulanka ka socdo xarunta madaxtooyada Puntland ee Garoowe, balse waxaa loo yeeray wariyaasha ku sugan magaalada Garoowe, kuwaasoo loo sheegay in uu jirro shir jaraa’id.

Waa kulankii ugu horreyay oo ay yeeshaan labada nin tan iyo markii doorashada madaxweynaha Puntland uu ku guuleestay Cabdiweli Maxamed Cali ra’iisal wasaarihii horre ee Somalia.

Faah-Faahin kala soco Caasimada Online.