Vila Hargeysa oo laga furay Muqdisho iyo Howlaha ay qaban doonto

Muqdisho (Caasimada Online) Magaalada Muqdisho waxaa maanta oo Khamiis ah dib loo furay xarunta Vila Hargeysa oo ku dhex taalla madaxtooyada Soomaaliya.

Xafladda furitaanka waxaa ka qaybgalay madaxweynaha, ra’iisal wasaaraha, guddoomiyaha baarlamaanka iyo qaar ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya.

Xaruntan ayaa la sheegay in ay ku shaqeen doonaan guddoonka iyo guddiyada baarlamaanka Soomaaliya.

Xaruntan ayaa la la sheegay in dhismaheeda door weyn ay ku lahayd dowladda Norwey, taasoo bixisay dhaqaalaha ku baxay.

Guddoomiyaha golaha baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Cismaan Jawaari ayaa aad ugu mahadcelisay dowladda Norwey, wuxuuna xusay la’aanteed in aysan hirgali Karin.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa isna ku tilmaamay xaruntan mid horrumar u herseedeysa baarlamaanka Soomaaliya oo uu ku tilmaamay kuwa sameeyay wax yaabo lagu farxo.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in tallaabadani ay fududeynayso gudashada waajibaadka hor yaalla guddoonka baarlamaanka.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn tilmaamay baarlamaanka Soomaaliya in ay qabteen howllo la taaban karo oo sharraf u ah shacabka Soomaaliyeed.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com