Wafdi ka socda gobolka Gedo oo tagay Kismaayo & Mowqifkooda oo isbadalay

Kismaayo (Caasimada Online) Magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose, waxaa maanta oo Khamiis gaaray wafdi ka socda maamulka Gedo.

Wafdiga gaaray Kismaayo oo uu hoggaaminaayay wasiirka caafimaadka ee maamulka KMG ah ee Juba, Xasan Aadan Yarrow ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Kisamayo.

Wafdiga waxaa soo dhaweeyay qaar ka mid wasiiradda maamulka Axmed Madoobe iyo madaxweyne ku xigeenka maamulka Gen Fartaag.

Afhayeenka Gobalka Gedo, Nuur Sayax Aadan oo caawa la hadlay Idaacadda Goobjoog ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin qaabka maanta loogu soo dhaweeyay magaalada Kismaayo.

Waxa uu sheegay in magaalada ay u tageen siddii ay kulamo ula yeelan lahaayeen madaxda maamulka KMG ah ee Juba maadama ay ka tirsan yihiiin.

Mar la weydiiyay in mowqifkooda uu isbadalay maadama ay horrey uga soo horjeedeen maamulka Axmed Madoobe? wuxuu tilmaamay in hadda wixii ka dambeeya ay taageersan yihiin maamulka Jubba sida uu yiri.

Si kastaba, maamulka Gedo ayaa labo garab ukala jabay, waxaana ergo 40 kor u dhaafaya ay kal horre ku biireen shirka maamul u sameenta Koonfur Galbeed ee ka socda Baydhab, waxaana hoggaaminayay ergadaas siyaasiga Maxamed Sayid Aadan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com