Wixii maanta ka dhacay Baydhabo oo warar dheeraad ah laga helay

Baydhabo (Caasimada Online) Ciidamada AMISOM ayaa maanta waxa ay is-hortaag ku sameeyeen in ka badan 40 oday oo ka mid ah ergooyinka ku shiraya xarunta magaalada Baydhabo kuwasoo loo diidday in galaan shirka goobta shirka oo ah xarunta xarunta ADC-da.

Haddaba sida ay wax u dhaceen waxaa ka hadlay afhayeenka odayaasha dhaqanka beelaha Baydhabo, Malaakh Deerow, oo u warramay warbaahinta, wuxuu tilaamay in odayaasha maanta loo diidday in ay soo galaan shirka ay ahaayeen kuwa aan wadan ID Card isla markaana aan loogu talagalin shirka in ay ka qaybgalaan.

Wuxuu beeniyay in shirka Baydhabo maanta lagu kala kacay, arrintaas waxaa buunbuuniyay buu yiri odayaal qorsho gooni ah wata, waxaana uu ku goodiyay in ay tallaabo ka qaadi doonaan sidda uu hadalka u dhigay.

Malaakha ayaa xusay in shirka Baydhabo uu galay wajigii labaad, kaasoo maalintii shaley laga dhex magacaabay 36-xubnood oo guddi farsamo kuwaasoo ka soo baaran degga sida uu noqon doono maamulka lixda gobal ee loo dhisaayo gobalada Koonfur Galbeed.

“Annigoo ku hadlaya afhayeenka beelaha Baydhabo, waxaan idiin xaqiijinayaa in aaney waxbo ka jirin wararka sheegaya in shirka Baydhabo lagu kala kacay, isla markaana AMISOM aysan is hortaagtaagin odayaasha ka qaybgalaya shirka, AMISOM wax siyaad ah kuma lug lahan, meesha waa la keensaday, warkaasna waa been” ayuu yiri.

Maanta duhurkii ayaa wararka aan qornay waxaa ku jiray war ku saabsan shirka Baydhabo in lagu kala kacay, kaddib markii loo diidday in ka badan 40- odayaal oo ahaa kuwii ku shiraayay Baydhabo, kuwaasoo shirka ku tilmaamay in uu yahay mid ay afduubteen qolo gooni ah.

Waxaa jirta oo cad in uu jirro khilaaf xooggan oo ka dhashay shirka maamulka cusub looga sameenaayo magaalada  Baydhabo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com