Gobol muhiim ah oo ka soo horjeestay ku biiridda maamulka koonfur galbeed

Afgooye (Caasimada Online) Mid ka mid ah Siyaasiyiinta gobalka Shabeellaha Hoose, oo sheegay inuu magaca gobolka iyo dadka degan u hadlayo, ayaa caawa ka soo horjeestay shirka maamul u sameenta gobalada koonfur galbeed ee dalka Soomaaliya kaasoo ka socda magaalada Baydhabo.

Dr. Siid Cumar Abuukar Xaaji, oo la hadlay Idaacadaha Muqdisho, ayaa sheegay in dadka reer Shabeelle aysan ka warqabin shirka ka socda Baydhabo, wuxuuna tilmaamay in shirkaas ay wataan koox gooni ah sidda uu yiri.

Waxaa uu xusay in Shabeellaha Hoose afar degmo oo muhiim ah aysan gacanta dowladda ku jirin siddaas darteedna wax la dhaho Fedaraal uu xilligan ka hirgali Karin Shabeellaha Hoose, sidda uu yiri.

Wuxuu ku celceliyay in odayaal ka soo jeeda Baay iyo Bakool in ay rabaan in been ka sheegaan bushadda reer Shabeellaha Hoose, oo aan aqoon u lahayn wax la dhaho Fedaraal.

“Reer Baydhabo meeshooda hanaga joogaan, annaga xilligan Fedaraal wax la dhaho diyaar umanihin, waxaana maqan afar degmo oo muhiim ah” ayuu yiri Siid Cumar.

Ugu dambeyn wuxuu carabka ku adkeeyay marka la xoreeyo degmooyinka gacanta dowladda ka maqan oo ay dadka Shabeelle ay fahmaan Fedaraal allaha nagaarsiiyo.

Shirka Baydhabo ka socda ayaa la doonayaa in maamul loogu sameeyo gobalada Baay, Bakool, Shabeellaha Hoose, Gedo, Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe.

Shirka ayaaba hadda khilaaf uu ka taagan yahay, oo waxaa la isku heestaa ma seddax ayaa laga dhigaa maamulkiisa mise lix gobal.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com