Magacyada 4 siyaasi oo Villa SOMALIA laga hadal hayo in loo magacaabo R/W

Muqdisho (Caasimada Online) – Xogta oo laga soo xigtay mas’uul ka tirsan Xafiiska madaxweynaha ayaa sheegeysa in ay jiraan dhowr siyaasi oo illaa iyo hadda xilka looga fakarayo, in kasta oo ay jiri doonaan xubno badan oo gadaal ugu soo biiri kara loolanka.

Xubnaha illaa iyo hadda magacyadooda ay laga hadal hayo Villa Somalia waxaa ka mid ah:-

1 – Xuseen Cabdi Xalane, Wasiirka Maaliyada Dowladda Soomaaliya ee iminka, kana soo jeeda beesha Absame. Xalena iyo xildhibaanada beeshiisa ayaa si weyn ugu lug lahaa mooshinkii lagu riday Cabdi Weli, waxaana jira warar sheegaya in jagadaas loo ballan qaaday, sidaasna ay ugu biireen mooshinka.

2 – Cabdulqaadir Cabdi Xaashi ayaa ah hada kamid ah xildhibaanada baarlamanka Soomaaliya. Waxa uu sidoo kale horey wasiir uga soo noqday maamulka Puntland.

3 – Dr. Bashiir Nur Bidaar, oo horay usoo noqday musharax u taagnaa qabashada madaxtinimada dalka, kana soo jeeda beesha Mareexaan. Waxaa uu Caasimada Online u sheegay inuu rajo aad u weyn ka qabo in xilkan loo magacaabo.

4 – Cumar Cabdi Rashiid Cali Sharmaarke. Waxa uu mar noqday ra’iisul wasaare xilligii dowladdii KMG ahayd. Damu-jadiid ayaa u aragta nin ay is-fahmi karaan, oo aad u jilicsan, sidaa darteedna ay xilligii ay doonaan ceyrin karaan, amaba sidii ay rabaan u sameyn kara, una bahaneyn in la ceyriyo.

Dhanka kale, Xasan ayaa wada xiriiro uu la sameynayo dad uu kala tashanayo magacaabista ra’iisul wasaaraha oo laga dhowrayo muddo 30 cisho ah, balse saxaafadda mar uu la hadlay waxa uu sheegay in si dhaqsi ah uu ku soo magacaabi doono ra’iisul wasaare cusub.

Xubnahan ayaa ah kuwa la hadal hayo. Si kastaba lama oga cidda loo magacaabi doono ra’iisul wasaaraha, waxaana mar walba liiska kusoo biira shaqsiyaad cusub, lama filaanka siyaasaddana meesha kama marna.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
caasimada@live.com