Magacyada madaxda ka qeyb-galeysa caleemo-saarka madaxweyne Xasan Sheekh

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa in maanta lagu caleema-saaro magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, 25 maalmood kadib markii xilkaas loo doortay 15-kii May 2022.

Waxaa magaalada soo gaaray wafuud caalami ah oo ka qeyb-galeysa calaama-saarka, ayada oo la filayo in saakana ay soo gaaraan qaar ka mid ah madaxweynayaasha iyo ra’iisul wasaareyaasha lagu casuumay munaasabadda.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, madaxda qeyb galeysa caleemo- saarka madaxweyne Xasan waxaa ka mid ah Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, Ra’iisul Wasaaraha Masar Mostafa Madbouly, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, iyo madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Waxaa sidoo kale qeyb-galaya wafuud ka socota dowladaha Turkey, Sacuudiga, Qatar, Imaaraadka Carabta, Malaysia iyo dalal kale oo saaxiib la ah Soomaaliya, waxaana qaarkood ku jiro wasiiro arrimo dibadeedyo.

Waxaa sidoo kale munaasabadda ka qeyb-galaya wufuud ka socota urur goboleedyo caalami ah, sida Qaramada Midobbe, Midowga Yurub, Jaamacadda Carabta, Urur Goboleedjka IGAD iyo Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC). 

Madaxda lagu casuumay munaasabadda, oo isugu jiray kuwo xulafo la ahaa dowladdii Farmaajo iyo kuwo ay u aragtay cadow, ayaa astaan u ah ka dhabeynta hindisaha madaxweyne Xasan Sheekh ee ah; Soomaali heshiis ah, dunida na heshiis ah la ah.

Dalalka xulufada la ahaa Farmaajo ee xafladda ka qeyb-galaya ayaa waxaa ka mid ah Qatar, Itoobiya iyo Turkey, halka dalalkii ay fogeysay ee la casuumay ay ka mid yihiin; Jabuuti, Sacuudi Carabiya, Imaaraadka Carabta iyo Masar.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa doonaya in Soomaaliya ay heshiis la ahaato dhammaan dalalka caalamka ee aan kusoo gardarroon, islamarkaana siyaasadda arrimaha dibedda dalka aan laga xukumin dal kale, si la mid ah tii Farmaajo oo laga xukumayey magaalada Doha ee dalka Qatar.

Madaxweyne Xasan Sheekh caleema-saarkiisa kadib waxaa laga sugayaa magacaabista ra’iisul wasaaraha cusub ee dalka, ayada oo dastuurka uu dhigayo inuu ku magacaabo 30 maalmood kadib marka madaxweynaha la dhaariyo.