Magacyada siyaasiyiin caan ah oo isku sharxay maamulka loo sameynayo Hiiraan iyo Sh/Dhexe

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo lagu wado inuu dhowaan magaalada Jowhar ka furmo shirka dhismaha maamulka labada gobol Hiiraan iyo Sh/dhexe, ayaa waxaa durba soo baxaya musharixiin isu soo taagaya inay qabtaan xilka ugu sareeya maamulkaasi aan weli shirkiisii bilaaban.

Ibraahim Xabeeb Nuur oo ka mid ah waxgaradka iyo Siyaasiyiinta gobolka Hiiraan ee ololaha ugu jiray in Hiiraan laba gobol laga dhigo oo keligeed ay gooni maamul u noqoto ayaa hadda is bedelay oo la filayaa inuu ku dhawaaqo musharaxnimadiisa.

Dhinaca kale C/raxmaan Xuseen Caddow oo isna ka mida siyaasiyiinta ka soo jeedda gobolka Hiiraan ayaa hore u shaaciyay inuu yahay musharax u taagan xilka madaxweynaha maamulka labada gobol.

Waxaa lagu wadaa in musharaxiinta u taagan jagada madaxweynaha maamulka cusub ee labada gobol inay tiradoodu sare u dhaafto 20, iyadoo la ogyahay in jagadaasi aanay jirin beel lagu heshiiyay inay qaadato oo dadka oo dhami u tartamayaan.

Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi ayaa la sheegay inuu ka mid yahay musharaxiinta qarsoon ee xilkaasi isu diyaarinaya inay u tartamaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com