Magacyada xildhibaanadii ka dambeeyey in Farmaajo ku darsado 2 sano (Aqriso)

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Shacabka ee waqtigoodu dhammaaday ayaa fadhi uu yeeshay 12-kii bishan waxaa uu Farmaajo ugu daray laba sano taasi oo kahor yimaadeen Aqalka Sare, maamul goboleedyada, Madasha Badbaado Qaran, bulshada rayidka iyo xataa beesha caalamka oo ay ugu horeeyaan Yurub iyo Mareykanka.

Waxaa hadda la helay liiska Xildhibaannada keenay isla markaana saxiixay mooshinka jiheynta doorashada. Liiska la helay ayaa wuxuu muujinayo tirada guud ee Mooshinka saxiixday, Inta haweenka ah, inta wadata dhalasho kale iyo maamul Goboleedyada ay kasoo jeedaan, waana sidan:

1- Tiro ahaan waa 41 keliya.
2- Liiska inta saxiixday 50% waa haween oo ku tuseysa in Farmaajo u adeegsaday dumarka oo ah kuwa looga tiro badan yahay aqalka.
3- Xildhibaannada 18% waxay heystaan baasaboorrada Mareykanka iyo Yurub oo laga yaabo iney cunaqabateyn wajahaan.
4 – Marka maamul goboleed ahaan loo fiiriyo Xildhibaannada mooshinka keenay waa sida:

Jubbaland(7) Xildhiban, Koonfur Galbeed(14) Xildhibaan, Hirshabeelle(3) xildhibaan, Galmudug(3) xildhibaan, Puntland(2) xildhibaan iyo Somalinad(11) xildhibaan.

Halkan Ka Akhriso Liiska Xildhibaannada Keenay Mooshinka Jiheynta Doorashada ee Farmaajo loogu daray 2 sano.

  1. Dahir Amin Jesow
  2. Samra Ibrahim Omar
  3. Ibrahim Isaaq Yarow
  4. Maryan Ahmed Harun
  5. Mohamud Ahmed Isse Run sheeg
  6. Feysal Omar Guled
  7. Asha Kos Mohamed
  8. Farhia Hassan Adan
  9. Rabico Sheikh Nur
  10. Sarha Abudkadir Osman
  11. Malaq Dhayow
  12. Amina Omar Jama
  13. Yurub Ibrahim Rabi
  14. Ikram Yusuf Hersi
  15. Sadia Musa Abdullahi
  16. Abdirahman Ahmed Suge
  17. Abdullahi Osman Duale Sugulle
  18. Bibi Kalif Mohamed
  19. Abudllahi Sheikh Mohamed Bakistan
  20. Abdiaziz Abdullahi Yusuf
  21. Abdullahi Olad Roble
  22. Ahmed Mohamed Jama Irro
  23. Hashim Nur Aden
  24. Qasim Mohamed Jama
  25. Fatah Said Hassan
  26. Osman Haji Ali
  27. Nadifa Farah Jama
  28. Khadra Mohamud Tukale
  29. Sheikh Shacir
  30. Ali Sheikh Abudllahi Afgooye
  31. Hawo Mohamed Aden
  32. Mohamed Ibrahim Abdi
  33. Sahra Omar Malin
  34. Abdullahi sheikh Ismail
  35. Amina Sheikh Osman
  36. Abdirahman Kulmiye Hersi
  37. Sheikh Nur Mohamed
  38. Ali yusuf Osman-Ganey
  39. Nur Sidow Baba-Hassan
  40. Hasaan Ali Mohamed-Amardambe
  41. Yaqub Ali Mohamed

Sida uu sheegay guddoomiyaha golaha waqtigoodu dhamaaday ee shacabka waxaa ogolaaday qararka 149 Xildhibaan, Waxaa jira warar sheegaya in aanu kooramka maalintaa buuxin, taasi oo baaristeeda ay socoto.