Mahad Salaad: 5 arrimood ayaa iga soo jiitay shirkii xildhibaanada taageeray madaxweyne FARMAAJO

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad ayaa jawaab ka bixiyey kulankii shalay ay Muqdisho ku yeesheen xildhibaanada taageersan madaxweynaha ee isku magacaabay “Xildhibaanada aqlabiyadda.”

Qoraal uu Mahad Salaad soo dhigay bartiisa facebook, hoos ka aqriso.

Xildhibaanow hadii aad tihiin AQLABIYADDA GOLAHA waan idiin ogolnahay ee fadlan naga ogolaada in aan cod ku kala baxno!

Kulankii Xildhibaanada Nabad iyo Nolol ee maanta lagu qabtay hotel SYL inkastoo ay ku heshiin waayeen tirada dhabta ah ee meesha fadhisay in ay sheegaan. Hadana ma rabo inaan sheego nambarkooda dhabta ee kulanka joogay si aysan saaxiibadey iiga xumaan. Lkn waxaa rabaa inaan ka hadlo dhowr arimood oo isoo jiitay:

  1. 50-kii Xildhibaan ee Golaha Wasiirada ku jiray qof lagama soo tagin maanta. Xitaa kuwii xanuunsanaa waa lasoo xanbaaray.
  2. Liiska magacyadu ku qornaayeen oo hal far iyo hal qalin lagu qoray waxaana markii ugu horay mudo 28 sano ah kasoo dhex muuqday Xildhibaan waa hore iscasilay. Kaas oo ahaa Xuseen Cismaan Xuseen oo noqday Taliyihii hore Hay’ada Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka (NISA).
  3. Xildhibaano dalka ka maqan mudo bilooyin ah, qaarkoodna caafimaad ugu maqanyihiin dalal kale oo hadana la qortay in ay kulanka joogeen!
  4. Xildhibaano waligood la yaqaanay aragtidooda kulankana aan joogin oo hadana laga been abuurtay.
  5. Dad aan Xildhibaano ahayn oo meesha fadhiyay. Mana garan ujeedada laga lahaa ilaa hada!

Isku soo wado duuboo saaxiiboyaalow hadii aad tihiin AQLABIYADDA GOLAHA waan idiin ogolnahay ee fadlan naga ogolaada in kulankii Goluhu noo qabsoomo codna aan ku kala baxno ducana waan idinkugu daraynaa waliba.

Mahadsanidiin.
Hon. Mahad Salad