Shaqaalaha hawada Somalia ee garoonka Muqdisho ka hawl gala oo qorshe laga damsac yahay ka digaya

Sida laga warqabo maamulkii hawada soomaliya ee ka hawl galayey dalka kenya muddo 25 sanno ah ayaa waxa loo soo wareejiyey magaalada Muqdisho.  Shaqaalaha ka hawl gala waxay ka kooban yihin dad soomaliyeed oo isaga yimid dhamaan goboladda dalka soomaliya. Shaqaalaha Soomaaliyeed waxay ku faraxsan yihiin inay wadankooda kusoo noqdaan una shaqayaan.

Nasiib darada dhacday waxay tahay, laga soo bilaabo maalintii shaqaalaha laga soo raray kenya oo ahayd 28/03 2018 ilaa maanta in dhacdooyinka ka imanaya wasaarada gaadiidka ay khalkhal  joogto ah ku hayaan adeegii lagu ilaalinayey nabad gelyada hawada Soomaaliya sida hoos ku taxan.

  • Waxay madaxda Wasaarada Gaadiidku si joogto  ah shaqaalaha uga faafiyaan been abuur sheegaya  inay doonayaan in Nayroobi lagu celiyo. Arintaasina waa wax kama jiraan la doonayo inay lagu qariyo musuqmaasuq baahay oo madaxdu ku lugleedahay.
  • Xarumaha hagida dayaaradaha ee aduunka waa ka mamnuuc inay gudaheeda galaan cidaan shaqo ku lahayn, laakiin Wasiirka gadiidku wuxuu ka dhigtay goob warbaahineed. Wuxuu filimo ka duubaa shaqaalaha oo waajibkooda gudanaya dabadeedna ku faafiyaa facebook. Arintani waxay khatar ku tahay amaanka hawlwadeenada hawada Soomaaliya.
  • Hanjabaad iyo caga juglayn shaqaalaha uga yimaada madaxda Wasaaradda Gaadiidka.
  • Xadhig bilaa sabab ah oo shaqaalaha lagula kacay, iyadoo sidii dad argagixiso ah loo dalbanayo ciidamada NISA.
  • Ruqsad sharci daro ah oo wasiirku amarkeeda leeyahay, iyadoon la marin sida ku qoran qandaraaska shaqaaluhu la galeen hay’adda ICAO. Tusaale ahaan, Madaxii maamulka lacagta oo ah wiil soomaleed, kaas Soomaalinimo darteed Maraykanka uga soo tegey mushahar dhan 8,000 doolar  bishii si uu u caawiyo wadankiisa ayaa wasiir Oomaar ruqsadiisa la kaashaday nin Malawi u dhashay iyo naag Kenyan oo qandaraaskoodii dhamaaday. Kuwaasoo Soomaaliga meesha laga saaray qandaraas dheeri ah ku heli doona, maadaama aan la hayn qof bedela.
  • Shaqaalaha Soomaaliyeed ee hawada ka shaqeeya 80% waxay ka baxeen jaamacado, qaybtood waxay haystaan shahaadooyin sare sida Master degree iyo PHD. Nasiib daro madaxda wasaarada gaadiidku waxay door bideen inay dadkaas kala diraan, si loo waayo indho arki kara musuq maasuqa xadka dhaafay ee ay ku lug leeyihiin.
  • Guriga shaqaalahuu degan yihiin hore waxay ICAO ku bixisay lacag lagu dhiso 50 qol laakin 40 qol ayaa la dhisay halka la lunsaday lacagtii 10 qol ee hadhay iyo adeegyadii dheeraadka ahaa.
  • Shaqaalaha wax uu ugu hanjabay wasiirku in ay ka guuran guryaha ay degan yihin oo ay degan Xamar. Shaqaaluhu waxay is bedelaan habeen iyo maalin 24/7 kamana soo shaqo tegi karaan meel ka baxsan airportka maadaama AMISOM xidhto garoonka 5ta galabnimo ilaa 06:30 subixii.

Ujeedada warqadani waa qayla dhaan loo jeedinayo madaxda dawlada Soomaaliya ugu saraysa iyo waxgaradaka Soomaaliyeed. Hadaan Si dhaqso wax looga qaban dhibta wasiirka gaadiidka iyo kooxdiisu ku hayaan hawlwadeenada adeega hawada , qaranimadii waa lumi doontaa hawada Soomaaliyana waxay u gacan geli doontaa wadamada deriska ah kuwasoo mudo taamayey arintaan.

Allah mahad leh
Waa shaqalaha ka hawl gala maamulka hawada saree e soomaliyeed
Flight Information Region staff