Mahad Salaad: In Farmaajo uusan laheyn damqasho iyo damiir waxaa daliil u ah…

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan mudanayaasha golaha shacabka Soomaaliya ayaa dhaliil xoogan u jeediyey madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo, kadib weerarkii is-miidaaminta ee Gelato Divino.

Mahad Salaad oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa sheegay in madaxweyne Farmaajo uusan laheyn damqasho iyo damiir naxa, sida uu hadalka u dhigay

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in weli uusan ka hadlin ama ka tacsiyadeyn dhamaan dhalinyaradii xalay lagu laayey qaraxii ka dhacay maqaayadda Gelato Divino, balse wuxuu Mahad Salaad hoosta ka xariiqay in madaxweynuhu marka ay wa ka dhacaan adduunka intiisa kale ama lagu dilo qof shisheeye uu si deg-deg ah uga tacsiyeeyo.

“Madaxweyne Farmaajo damqasho iyo damiir naxa in uusan lahayn waxa daliil cad u ah, dunida cirifka ugu dambeeya hadii qof shisheeye ah ku dhinto tacsi ayuu iska soo jarayaa, dadka Xamar lagu xasuuqayo maalin walbana Allaha u naxariisto xitaa uma quuro,”ayuu yiri Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyey “Da’yartaas cadowgu xalay Xamar ku xasuuqay illaa hadda Farmaajo tacsi uma dirin, masiibada dhacdayna sooma hadal qaadin, Sida muuqata dadka Xamar ku nool waxa isku bahaystay cadow farabbadan oo hal ujeedo leh lkn wadada loo marayo iyo magaca la adeegsanayo ay kala duwan yihiin”

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo weli xafiiska madaxweynaha Soomaaliya uusan wax war ah ka soo saarin weerarkii is-miidaaminta ahaa ee Gelato Divino, balse waxaa si guud u cambaareysay dowladda Somalia oo warsaxaafadeed kasoo saartay dhacdadaasi.