Mahad Salaad oo 5 qodob ku naqdiyey hadal uu Mahad Cawad xalay ka sheegay isbitalka Sheikh Zayed

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa facebook ku naqdiyey hadal uu guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad ka sheegay isbitaalka She’kh Zayed ee Imaaraadka Carabta ay ku leeyihiin magaalada Muqdiho, kaasi oo muddo xiran, wuxuuna oo bandhigay qodobo uu ku diiday hadalkaas.

Hoos ka aqriso qoraalka Mahad Salaad

Qayladhaantan Gudoomiye Mahad Cawad kuma matalo Goleyaasha Qaranka ee malaha Qadar ayaa ka dhex hadashay❗️

Xalay waxaan dhageystay shir jaraa’id oo Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalle Cawad ku hor qabtay Isbitaalka ‘’Sheikh Zayed’’ ee ku yaalla magaalada Mogadishu oo ay maamuli jirtay dowlada Imaaraadka, kana howlgali jireen dhakhaatiir u dhashay dalkaas oo muddo 2 sano ah u xirnaa khilaaf ka dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.

Gudoomiye Mahad hadaladiisa waxaa ka mid ahaa Isbitaalkan qalab caafimaad ayaa dhex yaala, waa naloo diiday, ma xirnaan karo, mana la haysan karo, sidaas daraadeed waxaan ugu baaqayaa Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha in ay furaan Isbitaalkaan. Xoogaa dhaar iyo buulo-xuufto ahna waa ku daray hadalkiisa. Marka waxaan su’aali lahaa Gudoomiye Mahad:

1. Mudane Gudoomiye, adiga Wasiir caafimaad miyaad tahay, maxaa shaqadaan ku dhex geliyay, mise waxaad rabtaa inaad dadka Soomaaliyeed iyo caalamkaba u rumayso warkii ahaa Barlamaanku wuxuu noqday qayb ka mid ah hay’adda fulinta (xukuumada)?

2. Mudane Gudoomiye, Isbitaalkaan qalabka dhex yaala waxaa iska leh dowladda Imaaraadka, muddo labo sano ah ayuuna xiranyahay, dowlad Soomaaliyeed oo dabo socota oo hanaloo furo lehna ma aanan arag, marka maxaa isku soo beegay qayladhaantaada maanta iyo diyaaradii Imaaraadka ee qalabka caafimaad maalmo kahor keentay magaalooyinka Mogadishu, Hargeysa iyo Garoowe mise Qadar ayaa qoonsatay oo noo qayli ku tiri markaan?

3. Mudane Gudoomiye, mar hadaad afka ka sheegtay, annaguna garanay ujeedada ka dambeysa oo amaro la bixiyo iyo addimo Qadar oo fuliya ayaa xigi doona ee adiga intaas miyey kaaga egtahay mise alalaas kale ayaa wali kuu harsan?

4. Mudane Gudoomiye, Golahii guddoonkiisa aad ka midka ahayd qorshuhu wuxuu ahaa in la furo toban maalmood ka hor, xitaa kuma aadnan guulaysan inaad xildhibaanada golaha u soo dirtaan wargelin ah sababta kalfadhigii u furmi waayay iyo goorta la isku soo laabanayo, marka soo kuuma muuqato in aad ku fashilantay shaqadii laguu igmaday mid aadan shaqo ku lahayna aad dabo ordayso?

5. Mudane Gudoomiye, shirkaagan jaraa’id ee ay ka muuqato taxadar la’aanta iyo iska dhago tirka qaadashada talooyinka ka hortagga cudurka, gaar ahaan xirashada maskiga iyo kala fogaanshaha dadka, soo kama habboonayn in aad uga warbixiso halka ay marayso howsha ummadda Soomaaliyeed ka sugayso guddigii Barlamaanka ee loo xilsaaray howlaha dhammaystirka sharciga doorashada halka ay marayso si aanay xilligeedii uga dib dhicin, ama aad ku raadiso mashiinkii (ventilator) laga qaatay Isbitaalka Martiini ee wali ku maqan Madaxtooyada Madaxweyne Farmaajo?

Waxaan rajaynayaa saaxiibkey Gudoomiye Mahad in uusan dhib u arag hogatusaaleyntayda balse uu ka dhigto talo walaal oo toosinaysa❗️

Mahadsanid.
Hon. Mahad Salad