Mahad Salaad oo jawaab ka bixiyey arrintii maanta dhacday “Wixii ka socday Xamar ayaa la dhoofiyey”

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad ayaa dhalleeceeyey go’aankii maamulka Koonfur Galbeed uu maanta ku hor-istaagay barnaamij uu xisbiga UPD ee Xasan Sheekh uu hoggaamiyo uu ku qaban lahaa magaalada Baydhaba.

Mahad Salaad ayaa qoraal uu soo dhigay facebook soo dhigay ku sheegay in “Caburinta Xisbiyada Siyaasadeed iyo siyaasiinta ka aragtida duwan Villa Soomaaliya ee labadii sano ee lasoo dhaafay si xowli ah uga socotay magaalada Mogadishu in loo dhoofiyey Koonfur Galbeed” 

Hoos ka aqriso qoraalka Mahad Salaad.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa maanta is hortaag ku sameeyay kulan (Siminaar) Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka (UPD) uu ku lahaa magaalada Baydbabo ee xarunta Gobolka Baay.

Kulankaas aqoon kororsiga ah ee maanta lagu waday inuu ka dhaco Baydhabo ayaa xubnaha khudbadaha ka jeedin lahaa waxaa kamid ahaa Senator Xuseen Sheekh Maxamuud oo ka tirsan Aqalka Sare islamarkaana ah Guddoomiye Ku-xigeenka Xisbiga UPD.

Caburinta Xisbiyada Siyaasadeed iyo siyaasiinta ka aragtida duwan Villa Soomaaliya ayaa labadii sano ee lasoo dhaafay si xowli ah uga socotay magaalada Mogadishu, hadana sida muuqatada loo dhoof geeyay maamulka Koonfur Galbeed oo isaga ruuxiisa lagu dhisay qaab jajuub ah oo bulshada reer Koonfur Galbeed aysan raali ka wada ahayn.

Dhacdadaan maanta ka dhacday magaalada Baydhabo iyo kuwo kasii horeeyay oo Mogadishu horay uga dhacay ayaa dhamaantood xad gudub ku ah xorriyada hadalka iyo xaqa muwaadiniinta Soomaaliyeed u leeyihiin in ay fikirkooda u cabiraan si nabadgelyo ah sida ku cad dastuurka qaranka iyo shuruucda kale ee dalka u yaalla.

Mahadsanidiin
Hon. Mahad Salad