Mahad Salaad oo shaaca ka qaaday ‘qorshe deganaa’ oo fashilisay wada-hadalladii Rooble iyo Musharraxiinta

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan mudanayaasha golaha shacabka Soomaaliya, islamarkaana qeyb ka ahaa dadaallada socday ee wada-hadallada ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo musharraxiinta ayaa faah faahiyey sababihii keenay inuu  fashilmo shirkii ugu dambeeyey ee ay dhowaan yeesheen labada dhinac.

Mahad Salaad ayaa shaaca ka qaaday in arrin nasiib darro ah ay tahay in lagu kala tego wada-hadalladii soo socday ee la doonayo in xal looga gaaro xaaladda cakiran ee dalka.

Sidoo kale wuxuu fashilka shirkan ku eedeeyey dhinaca xukuumadda federaalka, isaga oo sheegay inuu jir qorshe deganaa oo ujeedkiisu ahaa in dibad-baxa mucaaradka la fashiliyo, si taas loogu guuleystana laga hortago in wada-hadallada ay miro dhalaan.

Waxa uu hoosta ka xariiqay guddiga ka socday dhinaca ra’iisul wasaaraha uu ahaa mid ay ka go’an taghay fashilinta dibadbaxa Musharraxiinta, taasina ay caddeyneyso shuruudaha uu soo gudbinayey.

“Wada-hadalka xukuumadda Xil-gaarsiinta waxa uu ka dhashay ergo ku beel ah ra’iisul Wasaare Rooble oo damacsanaa baajinta isu-soobaxa Musharixiinta, markii dambe waxaa toos uwada hadlay labada dhinac oo sidaas waxaa ku yimid heshiiska 25-ka Febaraayo 2021, Rooble waxa uu wajahayay culays ah in dabada looga dhegan yahay oo la carqaladeynayo heshiiska uu gaaray,” ayuu yiri Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad.

Sidoo kale wuxuu ku baaqay inay muhiim tahay in laga wada-fakiro danta guud iyo maslaxada dalka, si looga gudbo marxaladda adaga ee ay wajaheyso Soomaaliya.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya, iyadoo uu baaqday dibad-bixii mucaaradka oo lagu waday inuu shalay ka dhaco Taalada Daljirka Daahsoon ee magaalada Muqdisho.