Turkiga oo saldhig militeri ku wareejiyey DF Soomaaliya

Ankara (Caasimada Online) – Sida lagu baahiyey bogga twitter-ka ee wasaaradda gaashaandhigga ee dalka Turkiga – dowladda Turkiga ayaa Sabtidii maanta xero militeri oo muhiim ah ku wareejisay dowladda federaalka Soomaaliya.

Wareejinta saldhiggan waxaa lagu sheegay qoraalka wasaaradda gaashaandhigga Turkiga inuu fursad hor leh siinayo dib u dhiska ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya.

“Iyadoo qayb ka ah dib u habeynta ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, xarumihii waqooyiga – xarumihii 1-aad ee Turkigu ka dhisay Muqdisho, waxaa lagu wareejiyay mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraalkan oo lagu baahiyey bogga twitterka ee wasaaradda gaashaandhigga dalka Turkiga.

Xeradaan militeri ee Turkigu ku wareejiyey dowladda Soomaaliya sida ku cad qoraalkan waa tii koowaad oo ay ka dhisteen Soomaaliya, waxayna hadda ciidmada Soomaaliya ku tababaraan xerada Turkisom oo ku taalla inta u dhaxeysa xeebta Jaziira iyo caasimadda Muqdisho.

Illaa hadda Turkigu waxuu Soomaaliya u tababaray qiyaastii 5,000 oo askari, waxuuna qorshuhu yahay in la gaarsiiyo 15,000 illaa 16,000 oo askari, kuwaas mid noqonaya ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

In dowladaha Turkiga iyo Soomaaliya ay ku heshiiyeen dhismaha ciidanka tiro ahaan intaas dhan waxaa horay u shaaciyey safiirka Turkiga ee Soomaaliya.

Xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga ayaa gaaray heer aad u wanaagsan, tan iyo markii uu Madaxweyne Erdogan sanadkii 2011-kii booqashada ku yimid Muqdisho, xilligaas oo xaalad adag oo dhankasta ah ay ka jirtay dalka, waxayna booqashadaas Soomaaliya ku soo jeedisay indhaha caalamka.

Waxii sanadkaas ka dambeeyey labada dal waxaa u bilaawday iskaashi ay ka sameeyeen dhinacyada, militeriga, caafimaadka, waxbarashada, diblomaasiyadda iyo dhinacyo kale.

Turkiga waxuu Soomaaliya ku caawiyey gargaar toos ah, sidoo kale waxuu dhisay iskuullo, isbitaallo iyo kaabayaasha kale ee dhaqaalaha, sida jidadka, dekedda Muqdisho iyo garoonka Aadan Cadde.