Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha cusub ee hay’adda nabad-sugidda iyo sirdoonka qaranka ee NISA Mahad Maxamed Salaad ayaa maanta oo Sabti ah si rasmi ah xilkan ula wareegay kadib markii dhowaan mar kale loo magacaabay agaasimaha hay’adda.
Munaasabadda xil wareejinta oo ka dhacday xarunta NISA ayaa waxaa goobjoog ahaa madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo xilka u kala wareejiyay Mahad iyo Sanbaloolshe, wuxuuna kula dardaaramay inuu sii wado shaqada hay’adda NISA.
La wareegidda kadib Mahad ayaa qaadi doonto tallaabo la xiriirta amniga, waxaana ugu horreyso wax ka beddal la filayo inuu ku sameeyo taliyeyaasha qaybaha ee hay’adda.
Mahad Salaad ayaa kowdii bishan markii labaad xilkan loo soo magacaabay, waxaana meel-mariyay golaha wasiirada kadib soo jeedinta wasaaradda amniga gudaha Soomaaliya.
Ninkan ayaa mar kale hantay kalsoonida Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha, kadib markii dib loo qiimeeyay xaaladda amniga oo meel xun gaartay.
Sidoo kale Mahad Salaad ayaa sannad ka hor laga qaaday xilka, si uu ugu tartamo xilka Madaxweynaha Galmudug, balse wuu ku guuldareystay, taas oo keentay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu muddo kordhin u sameeyo madaxda dowlad-goboleedyada.
In Mahad Salaad dib loogu magacaabo xilkaan ayaa muujinaysa in shaqadiisa dib loo qiimeeyay, iyadoo Sambalooshe uu arrintaas ka dhiidhiyay oo u arkay bahdil siyaasadeed.
Tan iyo markii Madaxweyne Xasan Sheekh la doortay, oo 15-ka May oo ay haatan u buuxsantay saddex sano, waxa uu beddelay Taliyeyaasha Ciidanka Xoogga Dalka, Booliska, Asluubta iyo Nabad Sugidda Qaranka. Soo celinta Mahad ayaa sidoo kale ka dhigan inuu Madaxweynaha dib usoo celiyay saddex kamid ah afartii Taliye ee uu hore xilka uga qaaday.
Si kastab ha’ahaatee, isbeddellada joogtada ah ee Madaxweynaha uu ku sameynayo Wasaaradaha Difaaca, Arrimaha Dibadda, Amniga iyo Talisyada Ciidamada ayaa mar walba hakad gelinaya horumarka dagaalka lagula jiro argagixisada, iyagoo sidoo kale abuura firaaqo shaqo oo ay ka faa’iidaystaan kooxaha argagixisada ah.