Mahad Salaad oo waji kale u yeelay dilkii Dhagajuun, weerarna ku qaaday Filish

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan mudanayaasha golaha shacabka baarlamaanka Soomaaliya ayaa si adag uga hadlay dilkii loo geystay guddoomiyihii degmada Hodan, Cabdixakiin Dhagajuun oo xalay lagu toogtay Muqdisho.

Mahad Salaad ayaa marka hore cambaareeyey hadal ka soo baxay guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna Duqa magaalada Muqdisho ee ahaa in guddoomiyaha uu ku dhintay is-rasaaseyn dhex-martay ciidamada ammaanka iyo qaar ka mid ah ilaaladiisa.

Xildhibaanka ayaa hadalka Cumar Filish ku tilmaamay inuu yahay gaf weyn oo ka soo yeeray, islamarkaana ka fog xaqiiqada & sida ay wax u dhaceen.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku sii daray inay hadalkan uu yahay mid raad tirasho ah oo lagu qarinayo dadkii ka dambeeyey dilka guddoomiyaha, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaan cambaareynayaa hadalka gafka ah ee ka soo yeeray Gudoomiye Cumar Finish ee ah Gudoomiye Cabdihakiin Dhagajuun is-rasaasayn ayuu ku dhintay. Waxaanan u aragnaa in Gudoomiye Cumar iyo maamulkiisu bilaabeen raadtirasho si loo qariyo raadka dambiileyaasha falkaas geystay,” ayuu qoraalkiisa ku yiri xildhibaanka.

Mahad Salaad ayaa intaasi sii raaciyey “Gaari la hubiyay markii uu gudbayay, soo laabashadiisana loo diyaar garoobay, ciidamo xoojin ahna loo diray sida ay ii sheegeen saraakiisha tagay goobta falku ka dhacay sabab loogu sheego is-rasaasayn ayay ahayd waa wax aan la qaadan karin.  Gudoomiye Cumar na waxaan ugu baaqaynaa in uu cudurdaar ka bixiyo hadalkaas,”.

Ugu dambeyn wuxuu ku baaqay in si deg-deg ah cadaaladda loo horkeeno saraakiishii & askartii ka dambeysay toogashada loo geystay guddoomiyihii degmada Hodan.

“Waxaan ku baaqaynaa mar labaad in cadaalada la horkeeno saraakiisha amarka bixiyay iyo askartii fulisay falkaas foosha xun ee lagu qaarajiyay Gudoomiye Cabdixakiin,”.

Si kastaba dowladda Soomaaliya ayaa haatan wada baaritaano dheeraad ah oo ku aadan dhacdadaasi, iyada oo xabsiga la dhigay saraakiil & askar ka tirsan ciidamada Booliiska.