Taliyeyaal iyo askar oo ‘loo xiray’ dilka guddoomiyihii maamulka degmada Hodan

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa qaaday tallaabo deg-deg ah, kadib dilkii xalay magaalada Muqdisho loogu geystay guddoomiyihii maamulka degmada Hodan, Marxuum Cabdixakiim Cabdiraxmaan Ciise (Dhagajuun).

Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in xabsiga la dhigay taliyeyaal ciidan iyo askar ka tirsan ciidamada Booliiska Soomaaliya, kadib dhacdadaasi.

Sida aan xogta ku helnay waxaa illaa iyo hadda xabsiga la dhigay taliyaha  saldhigyada Booliiska degmooyinka Howlwadaag, Gaashaanle Shucayb Cabdi Maxamuud iyo taliyaha saldhigga Waabari, Gaashaanle Maxamed Cabduqaadir Mooshin, kuwaas oo la sheegay in xalay ay ki sugnaayeen goobta uu dilku ka dhacay, kuna qornaayeen heeganka.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in la xiray illaa 7 askari oo iyana ku sugnaa barta koontarool ee lagu dilay guddoomiye Cabdixakiin Dhagajuun, waxaana haatan socda baaritaano dheeraad ah oo ku aadan, sida uu dhacay dilka guddoomiyaha.

Maamulka gobolka Banaadir ee uu horkacayo Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa sidoo kale soo saaray amar de-deg ah oo la xiriira in baaritaan dhab ah lagu sameeyo shaqaaqadaasi, iyadoo guddi ka kooban todobo xubnood loo saaray aaska marxuumka.

Si kastaba guddoomiyaha la dilay ee maamulka degmada Hodan ayaa toogashadiisa waxa ay timid saacado uun, kadib markii uu ku soo laabtay gudaha magaalada Muqdisho, isaga oo bilihii u dambeeyey arrimo caafimaad ugu maqnaa wadanka Turkiga oo loo geeyey dhaawac ka soo gaaray qarax miino oo lagula eegtay qeybo ka mid ah Caasismada.