Xog: Murankii doorashada oo u dhow in xal laga gaaro iyo arrin la isla ogolaaday

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida aan ka soo xiganay xubno kamid ah beesha Caalamka waxaa muuqanaya isu soo dhawaansho madaxda dowladda Soomaaliya, kuwa maamul gobaleedyada, iyo musharaxiinta mucaaradka, taas oo ku saabsan muranka ka taagan doorashada Soomaaliya.

Xubnaha aan la hadalnay ayaa sheegay in dhinacyada ay mabda’ ahaan wada-ogolaadeen in la qabto kulan deg deg ah ka hor bish Febraayo, kaas oo looga hadli doono in lagu dhameeyo khilaafka hareeyey doorashada Soomaaliya.

Arrintan ayaa ka dambeysay kulamo dhowr ah oo beesha caalamka ay la yeelatay dhinacyada isku haya siyaasadda Soomaaliya. 

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, ahna guddoomiyaha golaha midowga musharaxiinta Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo qaar ka mid ah musharaxiinta mucaaradka, ayaa xalay kulan gaar ah la qaatay xubnaha beesha caalamka.

Xubno ka socday beesha caalamka ayaa sidoo kale qadka internet-ka kula kulmay Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyagoo kala hadlay khilaafka doorashada.

Xogta aan helnay ayaa tilmaameysa in James Swan uu ka shaqeeyay natiijo hordhaca ah, ayada oo dhinacyada ay mabda’ ahaan ogolaadeen wada-hadal. Dowladda federaalka ayaa sidoo kale la sheeegayaa inay ogolaatay wada-hadallo. Si kastaba, waxaa la ogeyn sida looga heshiin doono arrimaha la isku haayo marka la isku yimaado.

Ilaha aan warkaan ka soo xiganahay ayaa sheegay in sidoo kale dhinacyadu lagula ballamay in ay sameeyaan tanaasul markii shirka la isugu yimaado oo aan halkii la taagnaanin.

James Swan ayaa la filayaa 24-ka bishaan uu dalka ka baxo markii uu laabtana shirkaas si deg deg ah loo qabto. Sidoo kale waxaa dhici karta in isagoo maqan la qabto shirkaan.