Cumar Filish oo soo saaray amar deg-deg ah, kadib dilkii guddoomiye DHAGAJUUN

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa soo saaray amar deg-deg ah, kadib dilkii loo geystay guddoomiyihii degmada Hodan, Marxuum Cabdixakiim Cabdiraxmaan Ciise (Dhagajuun).

Duqa magaalada Muqdisho ayaa marka hore Tacsi u diray ehellada Marxuumka, isaga oo xaqiijiyey in lagu dilay is-rasaaseyn xalay saq-dhexe dhex martay ciidamada ammaanka iyo ilaaladiisa, xilli uu marayey inta u dhaxeysa isgoysyada Howlwadaag iyo Aadan Cadde.

Cumar Filish ayaa amray in baaris dheeraad ah lagu sameeyo dhacdadaasi, si loo helo cadaalad, la’iskulana xisaabtamo dilka mas’uulkaasi oo saacado uun ku sugnaa Muqdisho, wuxuuna shalay ku soo qaabtay dalka, isaga oo dhaawac ahaan u jiray dalka Turkiga.

Sidoo kale guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir ayaa guddi u saaray aaska marxuumka, kaas oo ka kooban illaa 7 xubnood oo ka tirsan maamulkiisa.

Halkan hoose ka aqriso:

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Md. Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) iyo dhamaan Madaxda Sare ee Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar, waxa ay Tacsi tiiraanyo leh u dirayaan Qoyskii, Qaraabadii, Saaxiibadii iyo Bulshada Soomaaliyeed ee uu ka baxay Allaha U naxriisto Guddoomiyahii Degmada Hodan Marxuum Cabdixakiim Cabdiraxmaan Ciise (Dhaga-juun).

Allah u naxariistee, guddoomiyaha Cabdixakiim, ayaa habeenkii xalay abaarihii 2dii iyo daqiiqado lagu dilay inta u dhaxeysa Isgoyska Howlwadaag iyo Isgoyska Jidka Aadan Cadde, kadib markii ay is-rasaaseen dhex martay ciidan halkaasi ku sugnaa, waxaana dhacdadaasi ku dhaawacmay labo askari oo ilaaladiisa ka mid ahaa, kuwaasi oo eebe loogu baryayo in uu caafimaad deg deg ah siiyo.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho waxa uu faray dhamaan Hey’addaha Amaanka ee Gobolka Banaadir in baaris rasmi ah lagu sameeyo dhacdadaasi si loo helo cadaalad, la iskulana xisaabtamo Mas’uuliyadda shaqaaqada uu ku geeriyooday Allaha u Naxristo Marxuum Cabdixakiim Cabdiraxmaan Ciise (Dhaga-juun).

Duqa Muqdisho Ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir waxa uu si deg deg ah u Magacaabay Guddi isu-duwa kana shaqeeya Aaska iyo Tacsida Marxuumka.

1- Guddoomiye Kuxigeenka 1-aad ee Maamulka Gobolka Banaadir ahna Kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyadda, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Maxamuud “Caana-booro” (Guddoomiyaha Guddiga)

2- Mukhtaar Maxamed Cali (Dhaga-Cade)

3- Muuse Cali Eybakar

4- Saalax Xasan Cumar

5- Yaasiin Cismaan Jimcaale

6- Seynab Maxamuud Xaabsey

7- Mustaf Cali Kheyre

Guddigaan ayuu Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho farayaa in sida ugu haboon loo maamuuso, Tacsida iyo Aaska Allaha u naxriisto Marxuum Cabdixakiim Cabdiraxmaan Ciise (Dhaga-juun).

Innaa lillaah wa innaa illeehi raajicuun.