Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Doorashada xildhibaanada Gobolada Waqooyi ayaa ka codsaday Ra’iisul wasaare ku-xigeen Mahdi Maxamed Guulleed iyo Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Cabdi Xaashi Cabdilahi inay Soo gudbiyaan liiska musharixiinta Aqalka sare ee Somaliland.
Qoraal kasoo baxay Guddiga oo uu ku saxiixan yahay Guddoomiyaha Guddiga Khadar Xariir Xuseen ayaa waxaa lagu sheegay in iyada oo la raacayo heshiiskii doorada ee 17-September lana raacayo Shaxda doorashada ay deg deg codsigaas dirayaan.
Codsiga kasoo baxay guddiga ayaa imaanayo xilli dhawaan ay Muqdisho heshiis ku wada saxiixdeen guddoomiyaha Aqalka sare iyo Ra’isulwasaare ku xigeenka.
Labada mas’uul oo uu mudda ka dhaxeeyey khilaaf ayaa ku heshiiyey in si siman ay u qeybsadaan xubnaha aqalka sare ee Gobolada Waqooyi, waxaana xafladda heshiis ka qeyb galay Ra’isulwasaaraha xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble.
Halkaan hoose ka akhriso qoraalka kasoo baxay guddiga doorashada gobolada waqoyi