28.3 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Majaajiliista Ajakis oo lagu xiray magaalada Hargeysa xili uu kusii jeeday magaalada..

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Ciidamada amaanka maamulka Somaliland ayaa xabsi dhigay Majaajiliistaha caanka ah ee Cabdi Muriidi Dheere ”Ajakis”.

Ciidamada ayaa Ajakis ka dhexqabtay Garoonka Hargeysa xili uu kusii jeeday magaalada Jigjiga ee xarunta ismaamulka DDSI.

Ciidamada ayaa Majaajiliistaha u dhaadhiciyay Xabsiga weyn ee magaalada Hargeysa iyadoo aan la ogeyn sababta ay Ciidamada u xireen Majaajiliistaha.

Wararka qaar ayaa sheegaya in xariga Ajakis uu ka danbeeyay Muuqaalada ila qosolka ah ee laga diyaariyo Madaxda Soomaalida ee dhowr jeer laga sameeyay Hogaamiyaha maamulka Somaliland Axmed Siilaanyo.

Maamulka Somaliland wali kama hadal xariga Majaajiliistaha Caanka ah Ajakis oo si siman Madaxda Soomaalida uga sameeya Muuqaalada ila qosolka ah ee ka baxa Universal TV.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News