29.9 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Musharaxiinta Guddoonka Aqalka Sare oo maanta lagu wado inay..

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta oo Sabti ah lagu wadaa in Musharaxiinta Guddoonka Aqalka Sare ay Xildhibaanada Aqalkaasi ka horjeediyaan Khudbadaha waxqabadkooda.

Musharaxiinta ayaa Xildhibaanada ka dalban doona kalsoonida, iyadoo Musharax waliba uu Xildhibaanada ka hor cadeyn doono waxa uu qabandoono haddii la doorto.

Ilaa 16 murashax ayaa isu soo taagtey xilka guddoonka aqalka sare, labo murashax waxaa ay ku tartamayaan xilka guddoomiyaha aqalka sare, halka min 7 musharax ay ku tartamayaan guddoomiye ku-xigeenka 1aad iyo 2aad.

Guddoomiyaha guddiga Xildhibaan Maxamed cusmaan Faarax (Dhagajuun), ayaa sheegay in maanta oo Sabti ah kuna beegan 21 la dhageysan doono Khudbadaha, halka 22 oo ku beegan maalinta Axada ay dhici doonto Doorashada Guddoonka.

- Advertisement -

Read more

Local News