Makiinadaha-casriga ah iyo muruq-maalka Muqdisho

Dalka Soomaliya malahan Dawlad is waa fajisa danaha kala duwan ee Dadka shacabka, danaha shacabku waxay u kala duwan yihiin qaabab kala duwan, Dawladaha Aduunku maanta waxay si aad ah u la dagaalamaan in ay abuurant xalado dabaqad sare iyo dabaqad hoose, taas oo haday abuuranto keenta cawaaqib aan la mahadin. Soomaliya waa Dal ay san ka jirin Dawlad daryeesha Dadka tabarta daran, Dadka wax haysta sidda ganacsatadda majirto cid canshuurka qaadda lugu caawiyo ku wad danta yar ee aan waxba haysan si ay xitaa cilmi ahaan oga daba yimaadaan ku wa wax haysta. Canshuurta waxay dabooli kartaa wax barashadda asaasigaa nolosha qaybaheedda asaasigaa IWLM. Soomaaliya Dadka danta yar cuduradda ayaa cidlaysta hadaan Alle u bixin iimaan qabe wax haysta, Gaajaddu sidoo kale Dan-yarta way daashataa, Dadka Soomalidaa sida ay u badan yihiin wax barasho fursad uma aysan helin, waxay ahaayeen xamaalato muruqmaal ah, waxaan suuqa Bakaaro ku arkay oday waayeel ah oo dusha ku xamaalanaya, marka uu socdona Ul-cuskanaya, dharbarkiisa ayuu ugu xamaalaa caruur yar yar si ay u moodaan maalintaas iyo habeenkeedda Nolosha.

Ganacsato isugu jira Soomali iyo ajaaniib ayaa la yimid qalab si waa faqsan dantooda, iyo dhaqaalahoodda. qalabku wuxuu kordhinayaa wax soo saarka, waqtiga dhaqaalaynaya, si fududna wuxuu u qabanayaa hawshii ay qaban jireen muruq-maalka muqdisho, baahida loo qabo Muruq-maalka ayuu yareeyay. toloow xoogsataddii xagay qabteen?!!. Muruq-maalkii Muqdisho suuqa ayay ka bexeen, wayna niyad jabeen quus ayay tageen, maanta waxay u baahan yihiin Allahood markaas ka dib waxay u baahan yihiin Dawlad daryeesha, ganacsataddu way daryeeli karaan, umase diyaar sannna in ay daryeelaan waxaa u diyaarin kara si loo caawiyo waa Dawlad, ganacsataddu ma qaabayn karaan mana agaasimi karaan daryeel koodda laakiin waxay bixin karaan canshuur iyo taakulayn toos ah.

MUSIIBADA AAN LAGA MAARMIN

Makiinaddo casri ah oo laga dhaxlay teknoloojiyadda ayaa lakeenay Muqdisho, gaar ahaan Dekedda Muqdisho, kambaniyaasha dhismaha, iyo suuqda waa way ee Muqdisho. Qalabka lakeenay waxaa ka mid ah, Qaldooyinka waa wayn oo saaran baabuutar ku waas oo qasa shamiintadda, sidoo kale makiinaddii ka qaadaysay shamiintadda shubaysayna Guirigii ama wax walba oo lashubayo, gaar ahaan wadooyinka oo hadda dib-udhiska lugu hayo, Dabaqyadda dheerdheer, ku waa soo ay ku baxaan dhaqaalaha faraha badan, horay shaqadaan waxaa u qaban jiray Muruq-maalka Muqdisho haddese suuqa aya laga saaray, badelkoodii makinado ayaa shaqeeya, makiinadahaas ku ma shaqayn yaqaaniin muruqmaalku. Qalabkaan waxay fariisiyeen oo shaqo tireen kumanaan muruqmaal ah, ku waa soo qasi jiray shamiintadda, qaadijiray, kana hali jiray nolol maalmeed koodda waxaa ku noo laa kumanaan kale, aduguba qiyaas dadka ay saamaysay makiinadaan.

wiishash casri ah ayaa la keenay Dekadda Muqdisho ku waas oo ay keeneen shirkaddo ajaanib ah, waxay qabtaan shaqo aad u farabadan, waxay badbaadiyeen waqti, wax soo saarkana way kordhiyeen, dhanka kale waxay caqabad ku noqdeen dad aan wax aqoona lahayn ee iska xamaalan jiray, qalabka laftiisa mabaran karaan hadii labaritago badankood. Dedda waxaa ka shaqayn jiray shaqaale aad ufarabadan, ku waas oo lugu qiyaaso dhawr iyo toban kun, ugu yaraan shankun ayaa daaqadda ka baxay, reera hoodii dabkaa ka demay, ilmahoodii hadayba haysteen wax yar oo wax barashaa maanta meel ku ma sheegaan in tooda badan, way kala firxadeen ileen qorshe meel uma oo linne!!

Gaarigacan casri ah; waxaa lakeenay gaari waxyar ka wayn gaari gacanka, gaarigaas wuxuu cariiri wayn ku hayaa Dadka ku shaqaysta Gaari-gacanka, iyo Dameeraha oo Soomaliddu si wayn u isticmaasho, aqoon isticmaal iyo awood abuurashana ay u leedhay. Maanta waa ay fududahay in qofku abuurto ama gadto dameer, ama gaari-gacan si uu ugu shaqaysto laakiin Gaari wayn magadan karo, Dameerka, ama gaari-gacan aqoon Ayaan u leenahay waan waddi karnaa cilmi wayna u ma baahna, halka gaarigu u baahan yahay awood gadasho iyo cilmi oo ay san Dadka badankiis lahayn. Gaarigaan wuxuu si degdeg ah u qabtaa shaqooyin badan dan ayaa ku jirta, hadana Dadbadan ayuu nolosha ka riday, dadka gaaricanka wataa waxay u baahan yihiin in laga xadido gariga nuucaan ah layiraa, suuqa dhexdiisa waxba uma qaadi kartid gaarigacan unbaa u qaadi kara, halka gaarigacanku uu san u qaadi karin suuqa meelka baxsan!!

MURUQ-MAALKA MAANSHOODAY

Muruqmaalka Muqdisho waxaa soo wajahay waayo adag waa waayaha casriga ah iyo qalabka casriga ah, Dekedda, goobaha dhismaha, iyo suuqda waxaa ka baxay oo ay barabixiyeen qalabkaan casirigaa kumanaan muwaadiniin soomali ah, Dekedda waxaa ku shaqo waayay ugu yaraan Shankun oo shaqaalaa, waxaa shaqo tiray qalab ay keen sadeen shirkadadha gacanta ku haya Dekedda, sidoo kale goobaha dhismaha waxaa ku shaqo beelay kumanaan shaqaalaa shaqadoodii waxaa qabta makiinaddo-casri ah, ku waas oo cidina canshuur ay san ka qaadin hadii laga qaadana ay san qumanayn waxa laga qaadaa. Dhanka suuqyadda sidoo kale waxaa ku shaqo beelay boqolaal ku xamaalan jiray Dameer iyo gaari gacan ku waa soo ay aheed in laga xadido gaariyaasha, waxaa soo dhan waxaa sababay Duruufihii Dalku soo maray. Majirto cid u jeedda Dadkaas maanta waa lagayaabaa in uu tuugsaddo qof muruqiisa maalijiray.

XAL SIDA UU II LA MUUQDO

Mahaleeli karo xalka saxdaa mana ka warhayo arimaha qarsoon ee la xariira maamulka farsamo iyo midka hogaamineed ee arintaan, laakiin waxaan is ku dayayaa xalku sidu iila la muuqdo. Waxaa loo baahan yahay in laga qaado lacago dheeri ah Dadka wax haysta ee kiraysanaya qalabka bedelay muruq-maalkii qaban jiray shaqdaan qalabku qabanayo, sidoo kale Dadka qalabka iska leh dhaqaale ayaa lasaarayaa, ayadoo loomarayo sharciyad ama xeer baarlamaan, waxaanna loo yeelayaa waqti uu joogsanayo sharcigaas iyo qaadista dhaqaalahaas. Dhaqaalahaas waxaa lugu caawinayaa nolosha, gaar ahaan waxbarashadda ubadkii Dadkii muruq-maalka ahaa ee ay saameeyeen qalabkaan casrigaa. Shaqaddaan waxaa qabanaya Dawlad majirto cidkale oo qaban kartaa maanta waxay u muuqataa inaan la’arkin Dawlad u taagan qabashadda hawshaan, waayo waxaa wali jira duruufihii abuuray xaaladdaan. Waxaa loo baahan yahay in muruq-maalka iyo makiinadaha casrigaa la kala maareeyo, inta wax haystaa Dantooda kaliya ay san ka fakerin ee Dadka muruq-maalkaa laftoodda loo daneeyo, Dalku anaga dhan ayuu noo baahan yahay inta wax haysata un uma baahna.

Gabangabo:

Soomaaliya maanta waxay u socotaa in Dadku u qaybsamaan Dabaqad-sare iyo Dabaqad-hoose, Dadka haysta dhaqaalaha iyo kuwa cilmiga leh ee la falgeli kara qalabkaan waxay noqonayaan Dabaqad-sare, Dadka aan waxba haysan cilmigana lahayn, qalabkaanna aan baranKarin waxay noqonayaan Dabaqad-hoose waxayna ka dhacayaan nolosha, kama soo horjeeddo in hormar la sameeyo,waxaan diidanahay in Dadka danyartaa meel cidlaa loogatago. qof walboow arintaan xil iska saar, kala hadal cidwalba oo aad u aragto in ay qusayso, ku baraaruji cidii aan ku baraarug sanayn, kasheeg goobwalba oo aad u aragto in ay joogaan cid ka garaabi karta arinkaan, si gooniya waxaan u lahadlayaa Bahda war-baahinta arintaan iyo Dadka ay la xariirto ilgaara ku fiirsha waadba yeesheen markaan ka hore. Halkaan ku ma wadda xusin dhibaatadaan muruq-maalku wajaheen laakiin waxaan is leeyahay wax un waadka iftiimisay. Waa inaan yeelanaa siyaasad cad oo is waa fajinaysa Dadkeenaan Dunidda ka haray iyo Dunidaan casiragaa gaar ahaan Tikniloojiyadda maanta iyo Barri.

Warbixintaan waxaan cadaynayaa in cidwalbaa si wanaagsan ay oga faa’iidaysan karto, Binu’aadam Ayaan ahay wax waan qaldikaraa tartiib iiga waydii wixi ka qaldan diyaar Ayaan kuu ahay mahadsanidiin

W/Q: cabdifataax cali cabdalla “IMAAM”
Cabdifataaxcalicabdalla@gmail.com
00252617171717
www.facebook.com/cabdifataaximaam
twitter;@cadecaliyare

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid