Maleeshiyo taabacsan Axmed Madobe oo dagaal ku qaaday Baladxaawo

Balad-xaawo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya degmada Baladxaawo ee gobalka Gedo ayaa sheegaya in halkaas maanta uu ka dhacay dagaal xooggan oo u dhexeeya maleeshiyaad kala taageersan Axmed Madoobe iyo Ahlu Sunna.

Inta la ogyahay seddax qof ayaa ku dhintay in ka badan 10 – kalena waa ay ku dhaawacmayn dagaalka oo muddo socday sidda ay lee yihiin dad goobjoogayaasha.

Dagaalka oo istaagay waxaa kala dhex galay labada dhinac ciidamada Ethiopia ee ku sugan degmada Baladxaawo.

Guddoomiyaha degmada Gedo, Maxamed Cabdikaliil ayaa saxaafadda u sheegay in dagaalka uu soo qaaday guddoomiyaha Doolow Cabdirashiid.

Kaliil wuxuu kaloo sheegay in xaley degmada ay soo galayn ciidamo xooggan oo wata hub culus.

Wuxuu sheegay in dagaalka ay dowladda ay ka warqabto maadama ciidamada soo gashay degmada Baladxaawo lagu soo tabbabarray degmada Doolow.

Dagaalka ayaa la sheegay in uu saamayn ku yeeshay isku socodka dadka iyo gaadidka magaalada Baladxaawo waxaa kaloo uu xiran goobaha ganacsiga iyo waxbarashadda magaalada.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dhinaca dowladda oo ku aadan dagaalka maanta ka dhacay Baladxaawo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com