XOG: Dowladdaha Somalia iyo Ethiopia oo khilaaf cusub uu soo dhex galay

Sanaca (Caasimada Online) – Shabakadda Caasimada Online, ayaa ogaatay in uu jirro khilaaf cusub oo soo kala dhex galay dowladdaha Soomaaliya iyo Itoobiya.

Muxuu khilaafka salka ku hayaa?

Sidda ay lee yihiin ilo ku dhowdhow Villa Somalia, khilaafkan cusub oo aan soo shaacbixin ayaa billowday markii dowladda Ethiopia uu ka xumaatay hab dhaqan ay la timid dowladda Soomaaliya iyo ballamo looga baxay.

Lama shaacin ballamaha ay sheegeneyso Ethiopia inay dowladda Somaliauga baxday.

Khilaafka waxaa kaloo ka mid ah shir dhawaan ka dhacay magaalada Baxar daar oo looga hadlaayay ammaanka qaarada in lagu casuumay kaliye madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, kaasoo matalayay Soomaaliya oo calanka ayaa hor yaallay, arrintaas dowladda Soomaaliya waa ay ka carootay.

Si dhab ah arrintan uma soo shaac bixin, balse waxaa la lee yahay xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya hadda waa uu xumaaday.

Magaalada Addis Ababa waxaa dhawaan ku kulmay madaxweynaha Soomaaliya iyo ra’iisal wasaraha Itoobiya, waxaana la sheegay in ay ka hadleen arrimaha khilaafka ee soo kala dhex galay labada dowladood.

Ethiopia waxa ay ka mid tahay waddamada ciidamada u soo diray Soomaaliya kuwaasoo qayb ka ah howgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

IMG_01841

IMG_0225

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Caasimada@live.com