Xisbiga ODM oo ku baaqay in ciidanka Kenya laga soo saaro Soomaaliya

Nairobi (Caasimada Online)-Xisbiga mucaaradka Kenya ODM ayaa dowladda ka codsaday in ciidamada ka jooga Soomaaliya laga soo saaro si loo badbaadiyo dalka.

Wargeyska the Stander ee ka soo Nairobi ayaa qoray Isniinta maanta ah, in xisbiga Orange Democratic Movement ( ODM) ay doonayaan ciidamada Kenya ka jooga Soomaaliya in la soo saaro.

Sii hayaha hoggaanka ODM, Anyang’ Nyong’o ayaa shegeay in boqolaal qof oo Kenyan ah ay nafsadooda u waayeen tan iyo markii Kenya ay u dirtay ciidamo dalka Soomaaliya.

Wuxuu kaloo sarkaalkan ku baaqay in la joojiyo tababbarka la siinaayo ciidamada Soomaaliya ee lagu tababbaraayo dalka Kenya.

Wuxuu dowladda weydiistay in bal ay ka warramaan sababta ciidamadooda ay u joogaan Soomaaliya dadkoodana loogu dhammeenaayi dalkooda.

“Anniga door ayaa naga saaray dalkeena, Kenya dhibaato waaweyn ayaa ka soo gaartay Soomaaliya intaas ayaana nagu filan, balse waxaan dowladda ka codsaneynaa in sidda ugu dhaqsiyaha badan ciidamadeena ayka soo saaraan Soomaaliya, ma rabno in qoysaskeena ay dadkooda ku waayaan” ayuu yiri Nyong’o.

Kenya ciidamo ayaa ka jooga Soomaaliya kuwaasoo qayb ka ah howgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Kenya tan iyo markii ciidamo ay dirtay Soomaaliya, waxa ay la kulmeysay qaraxyo iyo dilal waxaana ugu dambeeyay qaraxyadii xaley ka dhacay Nairobi.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Caasimada@live.com