Maamulka Cabdiweli Gaas oo ka cabsi qaba qorshaha maamulkii FAROOLE

Garoowe  (Caasimada Online) – Maamulka Puntland, ayaa u digay xubno ka tirsan maamulkii horre ee Faroole oo la sheegay in qorshooyin iyo qalqal siyaasadeed ay ka wadaan qaybo ka mid ah deegannada Puntland.

Wasiirka caafimaadka Puntland, Dr Saadiq Eenow oo shir jaraa’id ku qabtay Garoowe ayaa sheegay in ay la socdaan dhaqdhaqaaqa ay wadaan xubno ka tirsan maamulkii Faroole.

Wuxuu sheegay in marnaba aaney oggolaan doonin in qalqal siyaasadeed laga abuuro deegannada Puntland, isagoona intaas ku daray ciddii lagu arko in tallaabo adag laga qaadi doono.

Wasiirka Caafimaadka ayaa sheegay in Puntland hadda uu ka arrimiyo maamulka Cabdiweli Gaas cid kale oo laga yeelaayo in ay qas ka abuuraan deegannada Puntland ma jirto ayuu yiri.

Hadalka wasiirka caafimaadka Puntland, Dr. Saadiq Eenolw ayaa ku soo beegmaya iyadoo maamulkii horre ee Faroole ay ka wadaan magaalooyin ku yaalla Puntland kulamo siyaasadeed oo ka dhan maamulka Cabdiweli Gaas.

Ma jirto wax jawaab ah oo ka soo baxay maamulkii horre ee Faroole oo ku aadan eedeemaha loo soo jeediyay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

Caasimada@live.com