Maleeshiyaadkii beelaha HABAR-GIDIR iyo Biyo-Maal oo mar kale dagaalamay

Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaal u dhaxeeyayy ciidamo kala matalaya maleeshiyaad dhawaan ku dagaalamay gobolka Shabeelaha Hoose ayaa lagu soo waramayaa inuu maanta ka dhacay deegaanka Lambar 50.

Dagaalka ayaanan la ogeyn sababta rasmiga ee ka dambeysay inuu ka bilowday deegaankaasi, iyadoo maalmahaan ay socdeen dadaalo la doonayay in lagu dhameeyo xiisada u dhaxeysa dadkaasi.

Qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa u sheegay Caasimada Online in dagaalka uu ahaa mid xoogan oo saacado ka socday deegaankaasi, ayna jiraan qasaaro soo kala gaaray dhinacyada ku dagaalamay gobolka Shabeelaha Hoose.

Xaalada deegaanka ayaa ah mid kacsan , waxaana mararka qaar la maqlayaa dhawaqa rasaas googoos ah oo ka dhacay deegaankaasi oo maanta ay ku dagaalameen maleeshiyaadkii dhawaan isku fara saaray halkaasi.

Waxaanan la ogeyn heerka uu la egyahay qasaaraha kad hashay dagaalkaasi, laakiin waxaa soo baxaya warar sheegaya in dhimashada iyo dhaawac ay u badan yihiin dhinacyadii ku dagaalamay deegaankaasi.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com