Maleeshiyo weerar ku qaaday xarunta shirkada Hormuud ee magaalada..

Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya Gobolka Sh/Hoose ayaa sheegaya in maleeshiyaad hubeysan ay weerar ku qaaden Xarunta shirkada Hormuud ay ku leedahay magaalada Marka ee xarunta Gobalka Sh/hoose.

Maleeshiyaadka weerarka ku qaaday xarunta shirkada ayaa la sheegay in beel ahaan ay kasoo jeedan Beesha Biyamaal.

Horjoogaha maleeshiyaadka boobka geystay oo lagu magacaabo Cabdi Kiyow ayaa Idaacada Dalsan u sheegay inay la wareegeen gabi ahaan xarunta Hormuud ee Marka.

Cabdi Kiyow waxa uu sheegay in sababta ay weerarka u geysteen ay tahay kadib markii maamulka shirkada ay xilka ka qaaden madixii Xaruntaasi oo beel ahaan ka soo jeeday Beesha Biyomaal, taasina ay ugu wacan tahay inay qaadan weerarka.

Cabdi Kiyow waxa uu xaqiijiyay in isaga uu ahaa Hogaamiyaha maleeshiyo beeleedka sababtuna ay tahay in madaxii hore lagu bedelay nin kale oo ka soo jeeda Qabiil kale.

”Uma dulqaadaneyno waxa ay nagu sameeyen maamulka Hormuud, madaxii xarunta oo kasoo jeeda Beesha Biimaal ayay magaalada muqdisho ugu direen tababar kadibna waxa ay soo magacaaben shaqsi kale oo aan beel ahaan mudneyn in qeybtaasi uu ka shaqeeyo”

Boobka kadib ayay shirkada Hormuud hawada ka saartay Isgaarsiintii magaalladda Marka iyo dhowr tuullo oo ku yaalla Gobalka Sh/hoose.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay maamulka shirkada Hormuud oo ku aadan boobka iyo faragalinta ay sameeyen maleeshiyo beeleedkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com