Hogaamiye culus & Saraakiil la soctay oo la khaarijiyay

Muqdisho (Caasimada Online)-War qoraal ah oo lagu baahiyay Baraha Bulshada ayaa waxaa lagu xaqiijiyay in la khaarijiyay Ku-xigeenka hogaamiyaha daacish Abu Bakr al-Baghdadi iyo tirro Saraakiil ah oo ka tirsan Kooxda Daacish kuwaasi oo lagu dilay xuduuda Ciraaq iyo Syria.

Dilka Ku-xigeenka Daacish iyo Saraakiisha ayaa waxaa fuliyay diyaaradaha dagaalka Ciraaq kuwaasi oo weerar cirka ah ku qaaday xarun ay kulan ku lahaayeen saraakiisha Daacish ee magaalada al-Qa’em.

Saraakiisha la dilay ayaa waxaa la sheegay inay ku jireen ku dhawaad 13 madaxda Daacish.

Diyaaradaha weerarka qaaday ayaa sidoo kale, burburiyay dhowr gaari iyo xarun waxyaabaha qarxa lagu sameeyo oo ka agdhawaa goobaha uu shirka ka socday.

Xarunta la burburiyay ayaa waxaa laga dhexmaqlaayay Qaraxyo aad u cuslaa kuwaasi oo kamid ahaa kuwa ay farsameyneysay maleeshiyada.

Madaxda ugu sareysa Daacish ayaa bilaabay in carruurtooda ay kala baxaan goobaha ay kusoo laalaabanayaan diyaaradaha dagaalka gaar ahaan jasiiradda al-Baghdadi ee qaybaha galbeetka Heet.

Weli lama soo bandhigin tirada guud ee Saraakiisha uu ku jiro ku-xigeenka hogaamiyaha daacish Abu Bakr al-Baghdadi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com