Manchester Utd oo iska qafiifisay qaamihii qoorta u surnaa!

Manchester United ayaa iska yareysay deymihii lagu lahaa, kadib markii milkiilayaasha kooxda ay bixiyeen lacag dhan 62.6 milyan oo gani.

Waxaa hadda kooxda ku hartay deyn dhan 359.7 Milyan oo gani, taasi oo macnaheedu yahay in kooxdu ay bixisay 17 boqolkiiba deymihii lagu lahaa.

Sidoo kale kooxda ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in daqligeedu uu kordhay 3.4%, oo uu gaaray 76.3 Milyan oo Gani, saddexdi bil ee tagtay.

Hase yeeshee daqliga kooxda kasoo gala dhinaca baahinta kulamadeeda ayaa hoos u dhacay 37.4 boqolkiiba oo noqday kaliya 13.7 Milyan oo gani, sababo la xiriira waqtiyeynta kulmada kooxda.