Maqaal xasaasi ah: Mirihii Bardihii Taleex (Khaatumo)

Geedka Bardaha ah ee Taleex ku yaal, 2011 ayaa waxaa isugu yimid, 13 Isim, 64 cuqaal, Qurba jog, Guuto kobaad ( Haweenka) iyo Siyaasiyiinta (Group 6) ama G6 oo fakarka ama abaabulka shirkaan lahaa. Muddo dabadeed, ayaa waxaa lagu dhawaaqay Khatumo oo lagu heshiiyey inay yeelato sadex madaxweyne oo midkiiba lix bilood xukunka hayo. Labadii madaxweyne ee ugu horreeyey, mudane Biindhe iyo Axmed Cilmi Cismaan ( Karaash) ayaa kasoo muuqday Garoowe ayagoo sheegay inay socon-weydey balantii ahayd xoraynta dhulka maqan iyo isku duubnida dadka, taasna ay ka doorbideen inay dib ula midoobaan Puntland, Khatumana aysan socon Karin waqtigaan, waa sida ay hadalka u dhigeene.

Waqtigii loo balansanaa shirkii labaad ee Bardihii taleex, waxaa shir isugu yimid isimo, magaalada Boocame, kuwaas oo qaadacay Shirkii labaad ee Taleex, mid kalana iclaamiyey, taasoo tafaraaruqa meel dheer gaarsiisay, laakiin siyaasiyiintii G6 ayaa ku balamay mar labaad xuruntii Taleex inay madaxweyne cusub ku doortaan, waxaana u caleemo saarnaa Cali khaliif Galaydh;Siyaasiyiin kale oo badanna waa la dhacsanaayeen siyaasaddaan, waana taageersanayeen in Cali Khaliif Hogaanka qabto.

Qalcaddii Taleex

Nasiib darro dhiig sokeeye baa ku daatay Taleex, markay Somaliland weerar kusoo qaaday oo qabsatay qalcadda quruxda badan ee taariikhda dheerna leh ee Taleex, Cali Khaliif iyo raggiisiina waxay u carareen Saaxdheer, muddo yar dabadeedna Somaliland baa ka daba-tagtay, laakiin nasiib-wanaag waxaa u suura-gashay inay u gudbaan Baligii gabayga u ka tiriyey Sayid Maxamed ee EERAGOO, dabadeedna, waxay xorun ka samaysteen Bali-cad, muddana fariisin u noqotay, oo uu nasiino yar ka helay.

Cali Khaliif Galeydh, oo siyaasadda ku cirraystay, waxa uu wasiir ka noqday dowladdii kacaanka 1980kii ilaa 1982, wasiirkii warshadaha; Waxaa loo magacaabay wassiirka kowaad dowladdii u hogaaminaayey Cabdi/qasim Salaad, 2012kiina wuxuu ka mid noqday Baarlamaankii dowladdii Xasan Shiikh madaxweynaha ka ahaa, 2014 kiina wuxuu kusoo biiray madaxweynayaashii Khaatumo soo maray.

Hadda, cid walba arke meesha uu hayaanka u ahaa iyo halka uu rabo inuu reerka ku furo, oo ahayd inuu hoos geeyo Somaliland!

Cali Khaliif Galaydh wuxuu maanta la mid yahay siyaasiyiinta faraha badan oo kasoo jeeda SSC oo caada-qaatayaalka noqday, culuq yar oo cunno gumeed ahna loo tuuray; wuxuuna noqday inan gumeed asagoo cimri ku jira, dadkiisana ku caasiyey, cadowgoodana hoos geeyey, waxuuna ku badashay magaciisii iyo taariikhdiisii wax yar oo qiima lahayn, una dhigma dhowr majood oo qaad ah oo uusan qaadan qof gob ah.

Maanta, Caade-qaate Cali Khaliif waxuu ka mid yahay hogaamiyayaasha ama horgalada dagaalka kusoo qaaday dhulkii inuu xoreeyo laga sugaayey, caqligii miyuu ka lumay, mise waligiisba sidaas buu ahaa?.

Dadka Sool, Sanaag iyo Cayn, maanta waa midaysan yihiin, waana xoraynayaan dhulka ka maqan, magacooda iyo sharaftoodana waa difaacanayaan, cidn u baahan Galaydhna ma jidho maanta ee cimrigiisii buu ceeb ku sogootiyey.

Mahamud J. Farah
Mahamudjfarah@gmail.com
Fort McMurray, AB

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid