Inkastoon aad ula yaabay, haddana weli fasiraad rasmi ah uma helin.!!!

“Death is certain. Life is uncertain.”

Dhawaanahan waxa sida dhibcaha roobka oo kale ugu soo daadanayay marinka fariimaha khaaska ah la isugu diro Facebook ee Maseenjarka fariin muuqaaleed cinwaan looga dhigay “Xamar ma saanaa u dambeysay.” Fariintu ayaa muujineysay dilal qiyaastii toboneeyo ka yar oo laga fuliyay Muqdisho iyo nawaaxigeeda. Muuqaalkan, kaliya ula jeedada ugu weyn ee laga lahaa waxay u muuqaneysay cabsi-gelin iyo barabogaan loo sameynayo qolyaha kasoo horjeeda nolosha iyo jiritaanka ummadda Soomaaliyeed.

Lama yaabin cidda muuqaalkaas sameysay iyo ula jeedka ay ka lahayd, balse weli waxaaan la fajac sanahay qaar badan oo dadkeena kamid ah oo muuqaal ahaan u eg akhyaar waxbartay (Diini & Maaddi), markay fariimaha noocaasa oo kale luuqa kuugu soo diraan mar iyo labo jeer ka badan si ay adigoo isgoyska Carwa’idka, Cali kamiin Bakaaraha lugeynaya kuu cabsi geliyaan, si toosana ay uga qeyb qaataan dacaayadda iyo cabsi-gelinta ka dhanka ah nolosha shacbiga Muqdisho.

Xikmad baa oraneysa “Death is certain. Life is uncertain” oo micnaheedu yahay “Geeridu waa mid la hubo. Noloshuse wa mid aan la hubin” waa meesha aynu ka niraahno geeridu waa lama huraan. Waxaa hubaal ah in caalamka uusan ka jirin dal aan lagu dhiman ama aan dad lagu khaarajin. Tusaale ahaan, Mareykanka oo lagu sheego quwadda 1-aad ee caalamka milateri ahaan, dhaqaale ahaan iyo wax soo saar ahaanba, bal aynu hoos ka eegno waxa sanad walba ka dhaca:

Sida ku cad “Gun Violence Archive” oo ah jamciyad madaxbanaan oo diiwaan-gelisa qalalaasaha ka dhasha hubka gudaha Mareykanka waxa uu tibaaxayaa in cel-celis ahaan bil walba Mareykanka lagu toogto 1,200-1,500 ruux. 2017 waxa lagu dilay 15,619; 2016 waxa lagu dilay 15,098, halka sanadkan 2018 ee shanta bilood kaliya ayna dhaaftay dhimashadu ay caga-cageynayso 13,532 ruux. Labo sano iyo shanti bilood ee na dhaaftay waxa Mareykanka toogasho lagu khaarajiyay dad gaaraya 44,300 ruux (Afartan iyo Afar kun iyo saddex boqol oo ruux). Sidoo kale, arinta uurku taalada weyn leh ayaa ah in dadka la laayo tiro badan oo kamid ah ay caruur ama dhalinyaro yihiin. Sanadkan 2018 kaliya waxa toogasho lagu dilay 695 caruur ah oo da’doodu u dhaxeyso (0-11) iyo sidoo kale dhalinyaro gaaraysa 2,695 oo ay da’doodu u dhaxeyso (12-17) sano.

Dhinaca kale, Gobolka Minnesota oo ah gobolka ay nool yihiin Soomaalida ugu badan ee joogta Mareykanka waxaa intii u dhaxeysay 2014-2018 ka dhacay ku dhawaad 3,000 oo dhacdo oo lagu khaarajiyay dad gaaraya 2,782 ruux oo ay 19 kamida yihiin caruur, halka 92 kalena ay ahaayeen dhalinyaro da’doodu u dhaxeyso (12-17) sano.

Dabcan dadka ugu badan ee fariimahan ii soo diray aniga khaasatan waxay u badnaayeen qurba-joog dalka dibadda uga maqan ama joogta oo cabsi ku nool. Inkastoo aan aamminsanahay in taxaddarka iyo ilaalinta naftu ay tahay masuuliyad weyn oo ruuxa muslimka ah saaran, haddana waa in qof walba oo inaga mid ah uu qalbigiisa ku qoraa

in naftan uu Allaah ina geliyay, wakhtiga u naga qaadayo iyo qaabka uu nooga qaadayana Ilaahay kaliya unbaa og; “Naf waliba wey dhadhamin geerida, Quraan 3:185.” Inaad ka cabsato geerida waxay ka dhigan tahay dabacsanaanta Iimaanka. Haka cabsan geerida ee ka cabso inuusan Allaah kulmin gefkaaga iyo geeridaada.

Ugu dambeyntii Soomaaliya waa halka uu ilaahay caalamkan nooga beeray, waana dhulka ay 85-90% weli dadkeenu ay ku nool yihiin ama ay xiriir nololeed oo toosa la leeyihiin, intaad faafin lahayd xummaanta dalkaaga ama aad far ku godi lahayd amnigiisa, noloshiisa, horumarkiisa iyo mustaqbalkiisa, fadlan wanaagiisa iyo quruxdiisa ka shaqee. Xasuusnoow in Xamar 30kii sano ee lasoo dhaafay dagaal fool-ka-fool ah, qarax, dilal-qorsheysan, iyo shirqoollo kaleba loogu dhimanayay ama loogu barakacayay welina khatartii iyo cabsidii soo jireenka ahayd shacbigu wey la nool yihiin. Siyaasiyiinta iyo madaxda wey yimaadaan, weyna baxaan, balse Soomaaliya wey jiraysaa oo iyadaa na hurran.

W/Q Abdiqafaar Shire