Madaxweyne Farmaajo oo si rasmi ah Baydhaba uga furay shirka golaha amniga

Baydhabo (Caasimadda Online) – Madaxweynaha dowladda Federaalka ayaa goor dhow magaalada Baydhabo ka furay shirka Golaha Amniga Qaranka oo ay ka qeyb galaan Madaxda ugu sareysa dalka, Maamul goboleedyada, Wasiiro ka tirsan Xukuumadda iyo Gobolka Banaadir.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu dambeyn shirka furay maanta duhurkii, waxaana saaka socday kulamo ay yeelanayeen Guddiyada farsamo ee shirka iyo Madaxda.

Qodobada looga hadlayo waxaa ka mid ah amniga guud ee dalka,Isku dhafka Ciidanka iyo hirgelinta Nidaamka Federaalka ah ee uu hadda ku jiro dalka.

Shirkan waxaa uu horudhac u yahay shir isla Bishan ka dhacaya Magaalada Brussels ee dalka Belgium-ka kaas oo looga hadlayo amniga Soomaaliya.

Waxaa ay madaxda Federaalka iyo kuwa dowlad Goboleedyada isla meel dhigayaan qorsha iyo ajendaha ay la hortagayaan Waddamada taageera Soomaaliya ee ka qeybgelaya Shirka Brussels ka dhacay.

Waa shirkii Todobaad ee Guddiga Amniga Qaranka ay yeeshaan,waxaana uu dhacaa saddexdii biloodba mar iyada oo markan ay marti gelineyso Magaalada Baydhaba ee Xarunta KMG u ah Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya.

Arrinta sida gaarka isha loogu haayo ayaa ah madaxda ka qeyb galeysa shirka oo xilligan xurguf siyaasadeed u dhaxeyso, gaar ahaan Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada oo dhowaan eedeymo u jeediyay dowladda Federaalka.

Amaanka Magaalada Baydhaba ayaa aad loo adkeeyay waxaana la yareeyay dhaq dhaqaaqa Gaadiidka iyada oo meelaha qaarna la xiray si aanay u marin dadka iyo Gaadiidka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com