Shirka golaha amniga qaranka oo maanta ka furmaya Baydhaba

Baydhabo (Caasimada Online) – Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Baydhabo ee xarunta KMG Maamulka Koonfur Galbeed uu ka furmo shirka Golaha amniga Qaranka.

Shirkaan oo ka duwan kuwii hore ayaa maalmihii ugu danbeysay waxa uu qaban qaabadiisa ka socday Madaxtooyada Baydhabo.

Shirka ayaa waxaa maanta furaaya Madaxweynaha Somalia Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), waxaana halkaa ku sugan Ra’iisul wasaaraha dalka Xasan Cali Khayre.

Waxaa sidoo kale magaalada Baydhabo ku sugan Hogaamiyayaasha maamul Goboleedyada ka jira dalka sida Puntland, Jubbaland, Galmudug, Hirshabeelle iyo kan Koonfur Galbeed.

Mas’uuliyiintaan ayaa khudbado ka jeedin doona shirka, waxaana sidoo kale qeyb ka noqon doona Wakiilada Beesha caalamka ka jooga Somalia Wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Somalia.

Sidoo kale, waxaa si wayn loo adkeeyay ammaanka Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee Maamulka Koonfur Galbeed, kadib markii ciidan badan oo xerooyinkooda ku jiray banaanka loo soo saaray, si ay ammaanka u xaqiijiyaan.

Shirka Golaha Amniga Qaranka oo magaalada Baydhabo uu ku shir guddoomin doono Madaxweynaha Somaliya ayaa waxaa horyaalla arrimo muhiim ah oo la xiriira ammaanka dalka.

Shirka goloha amniga qaranka ayaa looga hadlayaa qorshaha lagu soo badhigi doono kulan ka qabsoomaya magaladda Brussles ee dalka Belguim, kaas oo la doonayo in lagu dajiyo qorshaha siyasadeed iyo amni ee dalka.

Shirka ayaa waxaa laga soo saari doonaa natiijooyin wanaagsan oo sii dardar gelinaya arrimaha amniga, federaaleynta dalka, khayraad wadaagga iyo in dalka lagu soo dabaalo siyaasad degan oo ku dhisan wadatashi.

Docda kale, Shirkii midkan ka horeeyay ee ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa waxaa looga hadlay arrimo dhawr ah oo ay ku jiraan dhismaha ciidanka iyo amniga, taasi oo qeyb weyn ka noqon doonto shirkan.

Caasimada Online

Xafiiska Baydhabo

Caasimada@live.com