Maqaamka caasimadda, khilaafka isaga iyo Ra’iisul wasaaraha iyo 10-kii jawaabood ee ugu xiisaha badnaa wareysi lala yeeshay duqa Muqdisho Taabit Cabdi

Muqdisho (Caasimadda Online) : Duqa Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed ayaa iftiimiyay dhowr waxyaabood oo shaki laga qabay maalmihii lasoo dhaafay, kadib wareysi gaar ah oo uu siiyay TV-ga Horn Cable.

Taabit oo ah siyaasi dhalinyaro ah ayaa noqday mid ka mid ah hogaamiyaasha loogu jecel yahay Somalia xiligaan, waxaa jiray guux xoogan oo ku aadan maqaamka caasimadda oo soo ifbaxay dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay, hadaba waxaan soo koobay jawaabihii ugu xiisaha badnaa ee ku jiray wareysigaan.

1-Calaamadda gacanta ugu xiran ?

Taabit Cabdi waxaa uu sheegay in caalamadda gaduudan ee gacanta ugu xiran inay u tahay xasuus uu ku xasuusanaayo dadkii lagu xasuuqay Zoobe, wuxuu sheegay inuu rabbo in taallo loo dhiso dhacdadii Zoobe kadibna uu calaamadda furi doono.

2-Maxaa laguugu xasuusan doonaa ?

Duqa Muqdisho wuxuu sheegay in qof walba oo gobalka Banaadir madax u noqda uu lahaan doono wax lagu xasuusto “maamulkeyga waxaa lagu xasuusan doonaa inuu dhiso bulshadda gobalka Banaadir, xagga wadaniyadda iyo iney dareemaan lahaansho”.

3-Dib u dhaca shirkii Hormarinta gobalka Banaadir ?

Gudoomiye Taabit Cabdi wuxuu markale ku celiyay inuu shirku u baaqday arimo farsamo oo xagoodda ah, wuxuu qiray inuu shirku dhici doono ayna dhowaan sheegi doonaan xiligga la qaban doono, wuxuu diiday wararka sheegaya in shirkaas uu hor istaagay Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre.

4-Maqaamka caasimadda ?

Taabit wuxuu qabaa iney muqadas tahay iney caasimaddu yeelatay maqaam gaar ah, arintaan waxey hortaalaa labadda Aqal ee Baarlamanka Somalia “ Saddex milyan oo qof oo gobalkaan ku nool macquul ma’ahan iney noqdaan matalaad la’aan, labadda Aqal waxaan hor dhigi doonaan aragtidda dadka gobalkaan iyo sidda ay wax u rabaan ayuu yiri Duqa Muqdisho.

5-Khilaafka isaga iyo Ra’iisul wasaare Kheyre ?

Mr Taabit waxaa uu beeniyay wararka sheegaya iney isku dhacsanyihiin isaga iyo Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, wuxuu ku tilmaamay warar suuqeed.

6-Awoodaha Dowladda oo lagu wareersan yahay ?

Mar la weydiiyay in bulshaddu ay ku wareersan tahay cidda ugu awooda badan Dowladda hadda jirta ,wuxuu Taabit ku gaabsaday inuusan fahmin sidda ay dadku u qiimeeyaan awoodaha balse uu isagu qabbo iney madaxddu tahay dhamaan adeegayaal awooduna ay tahay rabitaanka shacabka.

7-Raadinta maamul goboleed uu yeesho gobalka Banaadir ?

Gudoomiye Taabit wuxuu yiri “Mar walba waa inaan xushmeynaa aragtidda qof walba uu qabo ,laakiin aniggu waxaan aaminsanahay iney waajib tahay iney caasimaddu yeelato maqaam gaar ah”. Wuxuu dhinac isaga riixay wararka sheegaya inuu rabbo dhismaha maamul goboleed gaar ah “Labadda Aqal oo Soomaali ay ku dhantahay ayaa laga sugaya xuquuqda shacabka caasimadda ku nool ayuu hadalkiisa ku daray.

8-Qurba joogta maamusha degmooyinka ?

Duqa caasimadda wuxuu qabaa in qurba joogta Soomaaliddu aaney la mid aheyn dadka kale ee aduunka oo ay yihiin dad dalkooda iyo dadkoodda aad uga war haya “ Waxey ahaayeen dad mar walba imaan jiray dalka ,kana shaqeyn jiray oo caawin jiray bulshadda sidaas ayaana ku doortay ayuu yiri Taabit Cabdi.

9-Kordhinta qoondo-sanadeedka gobalka Banaadir ?

Wuxuu markale ku celiyay iney taagan tahay baahidii loo gudbiyay kordhinta miisaaniyad sanadkeedka gobalka Banaadir si wax looga qabto baahiyaha caafimaadka, waxbarashadda ,nadaafadda iyo hormarinta gobalka, wuxuu beeniyay in la diiday codsigoodda inkastoo aan wali ficil ahaan loo fulin.

10-Cuntadda, Ciyaaraha iyo xiliyadiisa Firaaqada ?

Gunaanadka wareysiga oo kaftan u badnaa waxaa la weydiiyay nuuca uu cuntadda ugu jecel yahay waxaana uu sheegay inuu ka helo cuntadda dalka, xiliyadiisa firaaqadda waxaa uu sheegay inuu aqriyo fariimaha ay bulshaddu usoo dirto hadii ay cabasho tahay ama bogaadin, ciyaaraha mar uu ka hadlay waxaa uu sheegay inuu dhowaan soo celin doono kooxdii Minashiibiyo ee Dowladda hoose, kooxaha Yurub wuxuu sheegay inuu taageero kooxdda Manchester United ee wadanka England iyo kooxdda Real Madrid ee wadanka Spain. Bugaagta uu aqriyo ayuu gudoomiye Taabit sheegay iney yihiin kuwa ka hadla taariikhda Muqdisho.

Waxaa Qoray: Cabdulaahi Cismaan Faarax
raafac22@gmail.com