Dhaqtarka aqalka cad oo natiijo hordhac ah kasoo saaray caafimaadka maskaxda Donald Trump

Dhakhtarka gaarka ah ee aqalka cad ee looga arrimayo dalka mareykanka ayaa sheegay in madaxwayne Donald Trump uu caafimaadkiisu yahay mid wanaagsan.

Dhakhtarkan ayaa baaritaankii caafimaad ee ugu horreeyay ku sameeyay madaxwaynaha.

Ronny Jackson,oo fuliyay baaritaan qaatay saddex saacadood ayaa bayaan kooban oo uu soo saaray waxa uu ku sheegay in baaritaanada ay si wanaagsan u dhaceenDhakhtarkani lagu magacaabo Jackson ayaa lagu wadaa in faahfaahin dheeraad ah uu ka bixiyo maalinta Talaadada xaaladda caafimaadka ee madaxwaynaha.

Baaritaanka caafimaad ee lagu sameeyay madaxwayne Donald Trump ayaa ka dambeeyay ka dib markii dhowr jeer su’aalo laga keenay caafimaadkiisa dhanka maskaxda.

Buug dhawaan la soo bandhigay ayaa waxa lagu sheegay in maskaxiyan uusan madaxwayne Trump fiyoobeen.

Buugga waxaa diyaariyay Steve Bannon, oo ahaan jiray kaaliyihii istiraatiijiyadda Aqalka Cad, wuxuuna qeexayaa sidoo kale in “la kullankii koox Ruushka ka socotay oo wiilka Trump uu fadhiyay” uu ahaa “khiyaano”. 

Xigasho: BBC