Ciidamada dowladda oo qabtay tuug qaab cajiib ah dadka ku dhici jiray (Sawiro)

Muqdisho (Caasimadda Online) – Ciidamada ammaanka Degmada Kaaraan, ayaa xalay waxa ay gacanta ku dhigeen nin tuug ah oo hub farsameysan dadka ku dhici jiray, kadib hawlgal ay ka sameeyeen Degmadaasi.

Ciidanka ayaa soo qabtay ninkaan dhalinyarada ah oo watay qori laga sameeyay alwaax la isku kabay oo loo ekeysiiyay Qori Ak47, sida lagu soo bandhigay Sawir laga soo qaaday agabkii uu isticmaalayay ruuxaasi.

Gudoomiyaha Degmada Kaaraan C/fataax Nuur Cali ayaa sheegay ninkan tuuga ah inuu dhibaato wayn ku haayay shacabka Degmada Kaaraan oo moobeelada uu ka dhici jiray.

Wuxuu sheegay dhawr mar dadka shacabka ah ay soo gaarsiiyeen cabasho ku aadan tuugaan dadka dhaco, balse ciidamada muddo ay raadinayeen ninkaasi.

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayuu sheegay Guddoomiyaha Degmada Kaaraan in ninkaan loo gudbin doono si tallaabo sharci ah looga qaado.

Ugu dambeyn ciidamada ammaanka Degmada Kaaraan ayaa u suuragashay inay soo qabtaan ninkaan tuuga ah ee dadka Degmadaasi dhibaatada ku haayay.

Magaalada Muqdisho ayaa xilliyada habeenkii ah waxaa jirta Burcad hubaysan oo dhac u gaysata dadka ku nool xaafada, kuwaasi oo ka dhaca moobeelada.