Ugu dambeyn Guddoomiye Thaabid oo ku dhawaaqay waqtiga la qabanayo shirka Muqdisho

Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Thaabid Cabdi Maxamed ayaa maanta shaaciyay xilliga uu dib u furmayo shirka nabadeynta iyo horumarinta Muqdisho oo baaqday 7dii Bishan.

Guddoomiye Thaabid ayaa sheegay in SHirkaas uu Muqdisho ka furmayo 28ka Bishan January,islamarkaana sidii loogu talagalay uu u qabsoomayo.

Shirkan waxaa uu Duqa Muqdisho horay ugu shaaciyay in uu furmayo 7 Bishan hayeeshee dib ayuu u dhacay iyada oo ay soo baxeen  warar sheegaya in shirkaas uu ka dhashay khilaaf madaxda dhexdeeda ah.

Dalladda Jilaayasha aan Dowladiga ahayn ee SOSCENSA ayaa dhawaan ku baaqday in shirkaas sida ugu dhaqsiyaha badan loo qabto islamarkaana looga hadlo danta Muqdisho.

Guddoomiyaha Dalladdaas ayaa sheegay in iyaga ay hayaan talooyin badan oo amniga iyo nabadda magaaladan lagu gaari karo ayna doonayaan in ay ka sheegaan shirka Nabadeynta Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com