Madaxweyne Farmaajo oo lagu soo Dhaweeyay M/Gaalkacyo.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Madaxweynaha soomaaliya iyo Wafdi uu hoggaaminaayo ayaa goor dhow gaaray Magaalada Gaalkacyo ayadoona aad loogu  soo dhaweeyay madaxweynaha iyo wafdigiisaba m/Galkacyo, waxaa garoonka Magaalada Gaalkacyo kusoo dhaweeyay boqolaal ka mid ah Shacabka kunool Magaalada Gaalkacyo.

Mas`uuliyiintii soo dhaweysay madaxweynaha soomaaliya iyo wafdigiisa ayaa Waxaa ka mid ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha , Madaxweynaha Galmudug iyo Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa si weyn u soo dhaweeyay Madaxweynaha.

Maxamed C/llaahi farmaajo ayaa sidoo kale gaari doono magaalooyin kale oo ka mid ah kuwa uu ka arimiyo maamulka Galmudug wuxuuna la kulmi doonaa mas`uuliyiinta, waxgaradka iyo qeybaha kaal duwan ee bulshada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com