Maraykanka iyo M/Afrika oo ka hadlay ammaanka Somalia iyo is afgarad laga gaaray

Adis Ababa (Caasimadda Online) – Safiirka Mareykanka u qaabilsan Qaramada Midoobey Nikki Haley ayaa la sheegayaa in ay isniintii  xaaladda Soomaaliya uga hadashay kulan ay la yeelatay madax Afrikaan ah oo looga hadlay xaaladda Soomaaliya.

Kulankan waxaa uu dhacayaa maalmo kadib qaraxyadii mataanaha ahaa ee Oct. 14, kuwaas oo ay ku dhinteen in ka badan 358 halka dhaawacuna uu ka badan yahay 228.

Kulankaasi ayaa la sheegay in looga wada hadlay Xaalladda Ammaanka ee Geeska Afrika, gaar ahaan Somalia.

Danjiraha Maraykanka u joogta QM oo ka hadashay Shir Jaraa’id oo ay iyada iyo Madaxa Siyaasadda ee Ururka Midowga Afrika, Minata Samate ku qabteen Xarunta Dhexe ee AU-da ayaa sheegtay in Danaha Maraykanka ku xiran tahay inay si wadajir ah ugala shaqeeyaan Midowga Afrika iyo Urur-gobaleedka IGAD sidii xal loogu heli lahaa Somalia.

Dhinaca kale, Wakaalladda Wararka Ethiopia ee ENA ayaa sheegtay inay Nikki Haley iyo Ra’isul-wasaaraha Ethiopia ka wada hadleen qoddobo ay ka mid ahaayeen Dadaalka Nabad-ilaaliyayaasha ugu jiraan sidii nabad loogu soo dabaali lahaa dalalka Somalia, Koonfurta Suudaan iyo guud ahaan Mandiqadda Geeska Afrika.

“Waxaan sii wadeynaa taageerada aan siinno AMISOM” sidaasi waxaa ay Haley ku sheegtay shir jaraa’id oo ay ku qabatay magaalada Adis Ababa, ee dalka Itoobiya.

Bishii June, QM, waxaa ay jartay lacagta loo qoondeeyay AMISOM, waxaa laga jaray $570 million, waxaa ay noqotay miisaaniyadda $7.3 billion.

Booqashada Haley ee Adis Ababa oo ah lugtii ugu horeysay booqasho ay 3 dal ku tagi-doonto waxaa ay ku soo beegantay xilli uu dalkaasi joogo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Caasimada Online
Xafiiska Addis Ababa
Caasimada@live.com