Keating oo si cad ula saftay maamullada mucaaradka ku ah DF kadib markii uu…

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Somalia Mickeal Keating, ayaa bidhaamiyay heerka ay gaarsiisan tahay amni darida ka jirta Somalia.

Mickeal Keating, ayaa sheegay in dalka Somalia uu dhex maquurayo xaalad amni darro heerkii ugu sareysay kadib weeraradii is xigxigay ee ka dhacay magaalada Muqdisho.

Mickeal Keating, oo ka hadlaayay munaasabadii ka dhacday magaalada Jowhar, ayaa cadeeyay in Somalia ay ka jirto xaalad adag oo dhanka amaanka ah, waxa uuna hadalkiisa u muuqday mid garab lagu siinaayo Hogaamiyayaasha maamul Goboleedyada ee kasoo horjeeda Siyaasada DFS.

Mr Keating waxa uu sheegay in dhammaan shacabka Soomaaliyeed ay hortaallo amni xumo, loona baahan yahay si xaaladaasi ay uga baxaan garab istaag iyo hiilo, iyo in la kordhiyo dagaalka ay ku jiraan Ciidamada Dowladda.

”Waxaan aaminsanahay in Somalia ay ku jirto xaalad amni xumo, waxaa laga doonayaa dowlada Federaalka inay go’aan ka gaarto amni xumada jirta”

Waxa uu intaa raaciyay ”Beesha Caalamka waxay dooneynaa in ay garab istaagto Somalia, in ay maalgelin ku sameyso hormarinta Nabadgelyada, kaabayaasha dhaqaalaha, shaqa abuurka, horusocodka nidaamka Dowladda, sidaa aawgeed dowlada waxaa laga doonayaa inay ka faa’iideysato”

Hogaamiyayaasha maamul Goboleedyada ka jira dalka ayaa dowlada Federaalka ah ee Somalia ku dhaliilay amni daro baaxad leh oo ka jirta dalka, taa oo la sheegay inay sabab u tahay mas’uuliya dari heysata Madaxda Hay’adaha amniga.

Deegaanada maamulada qaar ayuu sheegay inay ka amni badan yihiin magaalada Muqdisho oo ay ku sugan yihiin ciidamada ugu badan ee dowlada, isagoo cadeeyay in taa ay muujineyso mas’uuliya darida dhanka amniga ah.

Haddalka Keating, ayaa daba socda eedeymaha Hogaamiyayaasha maamulada, waxa ayna u muuqaneysaa mid lagu garbinaayo maamulada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com