Sheekh Shariif iyo CC oo hal sabab darteed u tagey Imaaraadka Carabta

Abu Dhabi (Caasimada Online) – Madaxweynihii iyo ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Cumar Cabdirashiid ayaa gaaray magaalada Abu Dhabi ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, ayaga oo sababtana ku sheegay inay u mahad-celiyaan Imaaraadka..

Labadan mas’uul ayaa ka qeyb-galay xaflad Imaaraadka looga mahad-celinayo, gargaarka la sheegay inay u fidiyeen dhibanayaasha qaraxii Zoobe, oo lagu qabtay safaaradda Soomaaliya.

Sheekh Shariif ayaa sheegay inuu Imaaraadka uga mahad-celinayo wax uu ugu yeeray taageerada weyn ee ay siiyeen Soomaaliya kadib qaraxii Zoobe.

“Imaaraadka waa dalka kaliya ee si joogto ah noo caawiya, xitaa hal maalin dib uma dhicin, ee mar walba waxay safka hore kaga jireen caawimaaddeena” ayuu yiri Sheekh Shariif, oo u muuqda inuu meesha ka saaray dalalka kale ee caawiya Soomaaliya.

“Waxaan Imaaraadka ilaah uga baryaya farxad iyo inuu ka hor-istaago quwadaha xun xun, iyo in ilaah badbaadiyo barwaaqada Imaaraadka” ayuu yiri Shariif.

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid ayaa isna yiri “Muqdisho waxaa ka dhacay qaraxii ugu xumaa taariikhda, Imaaraadkana waxay gacan naga siiyeen inay 100 qof oo dhaawac ah u qaadaan Kenya.”

“Waxay sidoo kale taageero dhaqaale u ballan qaadeen 300 oo qoys oo dadkooda ku waayey qaraxa” ayuu yiri Cumar Cabdirashiid.

Shariif iyo Cumar Cabdirashiid ayaa ka mid ah siyaasiyiinta Soomaaliya ku xiran ee doonaya in dowladda Soomaaliya xiriirka u jarto Qatar, waxayna dalkaas ku leeyihiin guryo ay siisay dowladda dalkaas.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com